Madaxweynaha Somaliland Safar Ugu Baxay Goboladda Bariga

0
929

Berbera (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo  ku gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Waxaana  halkaas ku soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaaladda Berbera iyo nawaaxigeeda, iyagoo ku lebisan calanka Somaliland, isla markaana lulayay caleemo qoyan.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha  Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane  Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin milgo iyo miisaan leh oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weyn  loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka leh  ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo masaafad dheer ah.

Ujeeddada Safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo waxaa warbaahinta uga warramay af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane  Maxamuud Warsame Jaamac.

Af-hayeenku waxa uu maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobolka iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ah ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, uguna heellan yihiin  waxqabadka xukuumadda talada haysa.

Daawo Sawirro Dheeraad ah:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here