Madaxweynaha Somaliland oo Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis Cusub Sameeyey

0
479

Hargeysa (HargeisaPress)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku beddel, xilka qaadis iyo magacaabis cusub sameeyey caawa.

Wareegtooyin ka soo baxay madaxtooyada oo nuqullo ka mid ahi soo gaadheen caawa warbaahinta HargeisaPress.com, ayaa lagu faahfaahiyey magacaabista, xilka-qaadista iyo isku beddelka Madaxweyne Biixi sameeyey, waxaanay u dhignaayeen sidatan:-

“Wareegtooyin Madaxweyne : 01/11/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-772/112021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda ay Yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u Leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hannan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

1. In Cabdiqani Maxamuud Jiidhe laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.
*****************************************************
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

LEAVE A REPLY