Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiskiisa Ku Qaabiley Dhalinyaro Wax Ku Soo Baratay Itoobiya Oo Ka Hawlgelidoona Garoonka Cigaal International Airbort + SAWIRRO

0
913

HARGEISA, (HargeisaPress) — Kulankan oo ugu horayn uu ka hadlay wasiirka Duulista iyo Hawada ayaa ahaa mid ujeedadiisu ahayd dhiirigelinta iyo dardar gelinta da’a yartan wax u soo baratay dalkooda natiijada fiicana ka keenay imtaamaadkii ay la galeen waddamada afrika.

7078534a-e925-4889-8e2b-0112c793b117

“Wasiir Cadaani” Madaxweyne dhalinyaradani waa da’dii u horaysay Intii aynu xornimada Somaliland la soo noqonay barta “Air traffic control” iyagoo Itoobiya ku soo bartay, waana ragii uu wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi diray ee uu ku soo tabcay, waa niman markii aanu waraysanay xaga itoobiya runtii uu qarankan Jamhuuriyada Somaliland uu ku faanidoono, haday akhlaaq tahay, haday dedaal tahay, haday tahay waxay barteen ee cilmiga ah; wax kastaana way dhici karaane maanta waynu haysanaa rag diyaaradaha kicin kara soona dejin kara, da’a-dooduna way yartahay oo waydinkaa arkaaya insha Allaa 50-ka Sanno ee soo socdana aynaan waxba ka werwerayn. Dhawr nin oo hawlahaasi soo bartayna way jiraan balse hada waxay kuwada dhaw yihiin hawlgab, run ahaantiina ragan waxa ku soo tabcay Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay iyaguna war wanaagsan u sidaan maanta.

095ca6ae-1f22-4187-961d-d455d99e202b

 

Cabdilaahi Cawil Faatax oo ka mida Dhalinta wax soo baratay ayaa isna halkaasi ka hadlay oo yidhi “waxa maanta ii sharaf ah in aan madaxweynihii qaranka Somaliland oo shaqaynaaya aanu ku soo booqano xafiiskiisa, wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) , xoghayaha Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali   iyo Maamule ku xigeenka Madaarka Hargeysa, Mudane Cabdilaahi Yuusuf dhamaantiinba waad salaamantihiin”

e22a34fb-0775-40d3-ad2e-bb77358d7d8a

Cabdilaahi Cawil oo hadaliisa sii wata ayaa yidhi “Mudane Madaxweyne waxa aanu soo baranay sida loo hago cilmiga “Air Traffic Control” ee lagu hago diyaaradaha, sida aad ogtahay waxa dalkeena inoo haga oo inoo control-la ama inoo maamula ajanebi, wuxuu wasiirkii hore ee duulista imikana ah wasiirka madaxtooyadu ku dedaalay in la helo dhalin aqoon iyo da’a yar oo soo barata cilmigan hagitaan ee hawada dalka.

9fde28a7-1dbd-402b-860a-7cac6ae3a1e2

 

waxa aanu soo qaadanay todoba bilood oo aanu la soo baranaynay dad itoobiyaana runtii 13 kayagiiba guul ayaanu ka soo gaadhnay “high marks”-na waanu ku baasnay, waxay sharaf u tahay oo way wadada u xaadhaysaa haddii ay “Scholarship” kale ina siiyaan  in aanu wadada u xaadhnay oo aanu runtii halkaa magac fiican kaga nimid. Waxaan madaxweyne leeyahay kolay cilmigan aanu soo baranay, waa cilmi ku yar dalka iyo dad somaliland ah sidaa uu sheegay wasiirku,dadkii u horeeyey ee waxbartay waa dadkii ay soomaaliya waxbartay.

4852d9ef-9830-477e-835e-ae454cc7f9f3

Dalku waxa uu ka kooban yahay waa saddex dhul, cir iyo bad, waxa uu madaxweynuhu isaga oo gudoomiye ka ah SNM ay u soo halgameen inay dalka xoreeyaan badiisa iyo dhulkiisaba oo uu maanta alxamdulilaah uu madaxweyne ka yahay. Waxa aanu anaguna insha Allaa aanu qalinka u qaadanay in aanu noqono new SNM oo aanu hawada dalka qalin ku soo dhaadhicino, sharaf weyn ayey noo tahay aad ayaan ugu mahadnaqaynaa wasiirka madaxtooyada oo runtii dedaal farabadan ka galay iyo wasiirka cusuba, waxaanu jecelnahay in nala dhiirigeliyo sidaa aanu maanta madaxweynihii ula kulanay, runtii wasaaraddana aanu si degdega shaqadii uga bilowno aad ayaan idinku mahadcelinayaa”

fa80f03e-60fd-467a-8fe5-cc80067c6baa

wasiirka guulista oo isna ka hadlay madasha ayaa yidhi  “Mudane Madaxweyne dhalinyaradan ka soo qalinjebisay hagista hawada oo muddo sidaa uu sheegay Cabdilaahi cawil Faatax hawshaa ku soo qaatay tababar waxaan runtii ka marag kacayaa inay ahaayeen dhalinyaro aad iyo aad  guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii ay u dhamaysan lahaayeen waxbarashada 15 wiil ayey ahaayeen, laba wiil ayaan nasiib daro aan waxbarashadii dhamaysan, Inan ka mida waxa uu ahaa wiil taf ah oo aad u dhisan laakiin nasiib daro xanuun ayaa ku dhacay dabadeed sababo caafimaad darteed ayuu waxbarashadii ula jaanqaadi waayey, waxa la odhan karo waxa uu ku gudbiwaayey imtaaxaamaadkii wiil qudha ayaa jira”

 

b3279f71-65bd-4c06-8ffb-d04c57e62a96

“kulliyaddan ay tageen innamadani waxay leedahay nidaam adag waddamo badan oo afrikaan ah ayaa yimaada oo wax ka barta, waa in qofka Derajadiisa “marks”-kiisu uu ka sareeyaa 75% markaa haddii uu qofku intaa ka hoos maro bustihiisa ayuu qaadanayaa, nimankan dhalinyaradaa oo markii horena ahaa dhalinyaro wax baratay oo imtaxaano adag halkan lagaga sii qaaday oo jaamacadaha wadanka ka baxay luqadooduna dhisnayd waxaanay kuwada baaseen 90%-kiiba taas oo wax weyn oo guul ah ahayd, Macalimiintii “Civil Aviation”-kii Ethiopia iyo dadkii madaxda waxbarashada ina siiyeyba runtii waxay ku ahayd fajiciso, dad badan oo afrikaana ayaa u yimaada, mar aan safar ku tegay waxay isheegeen in aanay soo marin “Class” noocaas ahi weligood oo ajanebiyi oo derejadaa gaadha “marks” kaa gaadha 13 qof oo ka ugu yari 90 ka sareeyo ilaa 99% aanay weligoodba arag taasi waxay Somaliland u ahayd lib weyn waxay muujinaysay sidii uu sheegay ardaygii u hadlaayey tayada waxbarashadeena ayey ka markhaati kacaysay, waxay macadka duulimaadyada Itoobiya u balanqaadeen dhalinyaradan inay soo shaqeeyaan hal sanno oo khibarad ah, dabadeedna ay ku noqdaan waxbarashadii oo muddo laba sano ah ay bartaan hagida hawada sare “Air Traffic Control” waxa weeyi inay diyaaradaha soo fadhiisiyaan kiciyaan ilaa iyo intan magaalada hareeraheeda”

d46f4a71-c3c0-406f-9ef8-94939994bd49

Wasiirka madaxtooyadda oo sii sharxaaya cilmiga ay soo barteen ardaydu ayaa yidhi “Lakiin waa cilmi weyn oo jaamacado loo barto, cilmigani intaa ay imika soo barteena waa inta garoomadeena dadka sawaaxiliga ahi ay ku hagaan ee laynaga caawiyo, ragii hore ee waxbartayna way gaboobeen oo maanta shaqadaa ma wadi karaan markaa baahi ayeynu u qabnay in dad yar yar oo tayo leh aynu helno, dadkan dhalinyarada ah madaxweyne waxa aanu ku xulnay, aqoontooda, tayadooda, caafimaadkooda, jidhkooda iyo xataa in aanay balwado lahayn haddii aanay itoobiya ku soo baloobin, waxaan ku ogaa in mid qudhi xataa aanu qayilin oo aanu wax cabin, waxanan hubaa haddii ay balwado lahaayeen in aanay soo qalinjebiyeen. Marbaan ugu tegay guriga ay degenaayeen isku guri ayey ahaayeen, madaxweyne dhalinyaradani waxay ka kala yimaadeen gobolada Somaliland oo dhan min gees ilaa gees gobolka maqani kuma jiro.

cc9758ab-2a89-451c-8b6b-b1c4a8680cd4

 

Xogta la ii soo siiyey wiilka ugu sareeyey class-kooda waxa uu ka soo jeedaa gobolka Sool anigu aabihii ayaan aqaanay saraakiishii ciidamada qaranka ayuu ka mid ahaa, sidaa awgeed gobolada dalka oo aan si cadaalada ugu diray ayey ka yimaadeen.

ddeef162-5eae-447c-8e84-982788c5cb21

waxaan rajaynaynaa oo aan wasiirka cusub ee saaxiibkay Cadaanina aan hubaa in uu isaguna si fiican u hawlgelindoono, waana ta ay maanta u baahan yihiin ilaa iyo Bole International Airport ayey tijaabooyin ka sameeyeen  ay diyaaradaha kiciyeen ama dejiyeen. markaa imika way ku filaan-doonaan madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport oo la doonayo in maalin iyo habeenba uu shaqeeyo, waxaana wasaarada iyo xukuumada aad hogaanka ka tahayba waajib ku ah in dhalin yaradaa la shaqo geliyo, mushahar ku filana loo baadidoono, taana runtii wasiirka waanu kala shaqayn doonaa haddiiEeebbe idmo aad iyo aadna waxaan idinku guubaabinaynaa inaad shaqadaa xoog saartaan” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

c82f9a88-62a5-4e39-b10b-8dc97691aa72

wasiirka oo hadalka ku dheeraaday ayaa yidhi “halkan madaxweyne waxa fadhiya rag Jaamacad kale saddex sano marinaayey oo qaybo medicine-ka ah ku jiray oo ka doorbiday inay Air Traffic control noqdaan  oo maalintay tegayeen aan ku idhi war heedhe la soo tasho qoyskiiyo saddex sanno ayaad baranaysay cilmigaase in aanad halkaasi kaga tegin “mayee tana waan  xidhanayaa, tana waan soo baranayaa labadana waan u soo noqonayaa” Guud ahaana dhalin yaradan waxan leeyahay hambalyo madaxweyne adigana waan kugu soo dhawaynaynaa”

cefb470e-4197-4a23-af29-fa935221f00b

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadalo duco iyo dardaaran ah u jeediyey dhalintaa dalka wax u soo baratay waxa hadaladiisii ka mid ahaa “dhalinyarada Air traffic Control ka ah ee tababarka ku soo qaadatay Itoobiya aad iyo aad ayana idinku mahadinayaa idinkuna faanaynaa, idinkuna boogaadinaynaa, waxad soo barateen insha Allaahu tacaalaa waxan idin rajaynayaa inaad noqotaan kuwii dalka iyo dadkaba anfaca ee ummaddu ka faa’iidaysato markaa waanu idinku faanaynaa ilaahayna ha idinla qabto hawshaa hana idin fudaydiyo, sidaa iyo shaqo wanaagsan iyo wada shaqayn wanaagsan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY