Madaxweynaha Somaliland oo U Ambo-baxay Dalka Jabuuti

0
1664

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta u ambo-baxay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Biixi, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo diyaarad khaasa u soo diray weftiga.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinaya, ayaa ka qaybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta berri ah taariikhduna tahay 15/05/2021 si rasmi ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimadda.

Waxaa weftiga madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaya, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

LEAVE A REPLY