Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dhalinyarro Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan

0
675

Darar-weyne (HP):Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta deegaanka Darar-weyne ee duleedka Bari ee magaaladda Hargaysa ayaa tababar u furay dufcaddii ugu horraysay ee loo carbinayo inay noqdaan saraakiil ciidan oo wiilal iyo gabdho Jaamiciyiin ah ka kooban.

Munaasibadda lagu furayo tabobarkan oo ka dhacday kulliyadda tabobarka saraakiisha ee Cabdilaahi Askar, waxa madaxweynaha kala qaybgalay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada Booliska, Militeriga, Badda iyo Asluubta, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale.

Waxaana munaasibadaasi laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo saraakiisha da’da yaryar ee la filayo inay halkaas kasoo aflaxaan oo qaybo ka mid ahi yihiin ardaydii dhawaan ka baxday Barnaamujka shaqo qaran ee dhinaca ciidamada u baydhay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo si rasmiya u furay tababarkaasi ayaa dhallinyarada cusub ee loo carbinayo saraakiisha u jeediyey khudbad dheer oo la xidhiidha hawlaha sugaya, muhiimadda iyo karaamada ku jirta inuu qofku kamid noqdo ciidamada kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  ayaa u caddeeyey in saraakiisha cusub ee loo carbinayo saraakiishu ay haystaan jidkii qaranka lagu ilaalin lahaa.

Waxaanu yidhi, “Waxaad bilaabaysaan jidka ah aniga naftaydu waa inay ilaalisaa qaranka iyo danihiisa oo ay khatar walba u badheedhaa qof aan taas yeelinina garaaddona ma qaato askarina ma noqdo oo waa is yeel yeel uun.”

Taliyaha ciidamada militeriga Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahad naqay fikirka uu curintiisa leeyahay ee lagu carbiyey dhallinyaradii Barnaamujka Shaqo qaran ee qaybo kamid ahi haatan ku jiraan saraakiisha la laylinayo.

Waxaanu taliyuhu dhallinyarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan tabobarka ay nasiibka u heleen, una dhabar adaygaan sidii ay u dhammaysan lahaayeen.

Taliye Taani,  waxa uu nasiib iyo hoodo gaar ah ku tilmaamay in saraakiisha cusubi dalkooda dhexdiisa ku helaan dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada, sida dugsigii Hoose, kii dhexe, kii sare, Jaamacaddii iyo kulliyaddii tababarka saraakiishaba.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa isna dhankiisa guul qaranku gaadhay ku tilmaamay in dhallinyaro aqoon leh oo jaamiciyiin ahi kusoo biireen ciidamada kala duwan ee qaranka, isla markaana dalkooda gudihiisa loogu carbinayo Sarkaalnimo.

Geesta kale qaar ka mid ah saraakiisha dhinaca Tabobarrada u qaabilsan ciidamada qaranka iyo saraakiisha madaxda ka ah kulliyada tabobarka oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday dedaalka ay hoggaan ahaan u galeen in dalka laga hirgeliyo mashruuc lagu carbinayo da’yarta jaamacadaha kasoo baxday ee loo carbinayo sarkaalnimada.

Waxaanay shaaciyeen inay diyaariyeen dhammaanba qaybihii kala duwanaa ee waxbarashada ee dhallinyaradaasi u baahan yihiin iyo macallimiintii laylin lahayd saraakiishaas da’ da yar.

Dhinaca kale  madaxweynuhu waxa uu kormeer ku sameeyey goobaha hurdada, cuntada iyo waxbarashada ee loo diyaariyey saraakiisha dhallinyarada ah ee loo carbinayo saraakiisha iyo xarun loo dhisay dhallinyarada shaqo qaran oo aaggaas ku taalla.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY