Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Dalka Ethiopia

0
410

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.


Kaddib markii marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, siday ay sheegtay madaxtooyadda Somaliland.
Safarkan madaxweynaha Somalilandiyo weftigiisa aya safarkoodu qaadan doonaa muddo maalmo ah, waxaana inta ay halkaas joogaan kulamo gaar ah oo shaqo la qaadan doonaan madaxda kala duwan ee dalka Ethiopia iyo kuwo kaleba.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.


Waxaana magaaladda Addis Ababa, kaga biiraya wefti kale oo gogol-xaadh u ahaa safarka madaxweynaha, kuwaas oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Ciise Keyd Maxamuud.
Gaadiidka iyo Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) iyo Ergeyga gaarka ah ee Wadda hadallada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Adna Aadan Ismaaciil.


Geesta kale weftiga madaxweynuhu markii ay ka sii dhoofayeen garroonka diyaaradaha Hargaysa waxaa sii sagootiyay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan c/laahi Ismaaciil (Saylici), iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY