Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Masar

0
1256

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku yimid Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dal, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Jamhuuriyadda Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhinaca weftigan waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya  u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska Afrika ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif.

Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY