Madaxweynaha Somaliland oo Mdaxtooyada ku qaabilay madaxa shirkada DP world + SAWIRRO

0
1187

Hargeysa,(HargeisaPress) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxa shirkada DPworld Sultan Axmed bin Suleyman oo kulan qaatay, ayaa ka wada hadlay wajiga labaad ee dhismaha dekedda Berbera iyo Berbera corridor

Warsaxafadeed kasoo baxday kulanka ayaa lagu sheegay in labada masuul ay kawada hadleen furitaanka wajiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera iyo bilaabitaanka dhismaha wajiga labaad ee dekedda.

Sida warsaxafadeedka lagu sheegay kulanka ayaa waxa kale oo lagaga wada hadlay imkaaniyaadka ganacsi ee ku dagaman isticmaalka dekedda, marin ganacsiyeedka Berbera corridor iyo baladhinteeda madama oo ay mari doonaan shixnado aad ubadan.

Warsaxafadeedka ayaa intaa ku dartay in laga wada hadlay casriyaynta kastamada magaalooyinka Tog-wajaale iyo Berbera si shixnadaha iskaga kala gooshaya dekedda Berbera iyo waddamada geeska Afrika ay u noqdaan qaar xawli ku socda.

Kulanka madaxweynaha iyo madaxa DPworld ayaa ku dhamaday is afgarad buuxa oo ay labada dhinac ka yeesheen hawlaha laysla lafa-guray sida warmurtiyeeka lagu sheegay.
Marka ay dhamaato balaadhinta dekedda Berbera, ayaa la rajaynayaa in ay horseedo qul-qul shixnado ganacsi oo dhexmara Somaliland, Itoobiya iyo waddamo kale oo geeska Afrika ah.

 

LEAVE A REPLY