Hargaysa,(HargeisaPress) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay Maareeye ku xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaaladda Berbera.
Sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday madaxtooyadda Somaliland, madaxweyne Muuse Biixi ayaa Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta u magacaabay in uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Somaliland.
Wareegtadaas uu madaxweyne Biixi soo saarayna waxay u dhignayd sidan:
Wareegto Madaxweyne: 28/03/2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019, ku magacaabay Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay:Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay:Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay:In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.