Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Safar ku tagay Dalka Ethiopia + SAWIRRO

0
1061

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya Xubno ka mida Golihiisa wasiirada ayaa safar shaqo ugu kicitimay Dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay, halkaasi oo ay martiqaad rasmi ah ka heleen Raisal wasaarada Ethiopia Hailemariam Desalegn.

 

????????????????????????????????????

Weftiga Madaxweynaha ayaa intii aanay ka dhoofin garoonka diyaarahada ee Cigaal International Airport waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalkiisa, isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu martiqaad rasmi ah ka helay raisal wasaare Desalegn kana wada hadli doonaan arrimaha labada dal ka dhexeeya ee la xidhiidha Amniga mandaqada geeska afrika, iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

Waxaana halkaasi madaxweynaha ku sii sagootiyey Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa koowaad Muj. Maxamed Kaahim, sulaadiin, cuqaal, xildhibaano iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

????????????????????????????????????

Xubnaha madaxweynaha ku wehelinaaya safarka

  1. Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde
  2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md M Biixi Yoonis
  3. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md Xirsi Cali Xaaji Xasan
  4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade
  5. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md Cali Axmed Cali
  6. Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Amb. Aadan Jaamac Galaal

Ka dibna madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, isaga oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, hareera joogaana taliyeyaasha ciidamada qaranka.

DSC_0076

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here