Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ku Wareejiyey Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha Lix Gaadhi Oo Ambalaas (Ambulance) Ah + SAWIRRO

0
932

HARGEISA , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta ku wareejiyey guddida heer qaran ee abaaraha lix gaadhi oo nooca Ambalaas (Ambulance) ka ah.

Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha Lix Gaadhi 4

Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha Lix Gaadhi 12

Gaadiidkan madaxweynuhu waxa uu ugu talogalay in lagu galo gurmadka caafimaadka ee lagu taakulaynayo dadka ku tabaaloobay abaaraha baahay ee dalka ka dhacay.

Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha Lix Gaadhi 2

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa shacbiga ay abaartu saamaysay, Alle, uga baryey inuu ka dulqaado abaarta, raxmad khayr qabtana u shubo, waxaanu bogaadiyey hawlaha ay ilaa hadda soo qabteen guddida heer qaran ee abaaruhu iyo kuwa gobolada dalkuba.

Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha Lix Gaadhi 5

Gaadiidkan oo ah qaybtii labaad, waxa ka horeeyey baabuur noocanoo kale ah oo dhammaa shan gaadhi kuwaasoo ay gacan ka geysatay fudaydintooda wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana mdaxweynaha kala wareegay baabuurtaasi guddida abaaraha oo uu u guddoomay sheekh Xasan  Cabdisalaan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida.

Guddida Heer Qaran Ee Abaaraha Lix Gaadhi 1

Sheekha oo ka hadlay halkaas ayaa ku sifeeyey mdaxweynaha dalka inuu dedaal weyn ka galay waxka qabashada abaaraha, mahadnaqa Illaahay ka dibna u mahadnaqayo hoggaanka dalka ee heeganka u ah inay la talaacaan wax ka qabashada abaaraha.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here