Madaxweynaha Somaliland oo Lagu Soo Gole-fadhiisiyey Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE iyo Su’aalo Furan oo uu Ka Jawaabay

0
1016

Borama,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golahaas uga jawaabay su’aalo isla xisaabtan iyo hawaale-warran ah oo ay kula xisaabtamayaan xukuumadda uu hoggaamiye ee xisbiga KULMIYE kasoo baxday.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa mid mid uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha golaha dhexe oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u fulisay waajibaadkii ka saarnaa ballamihii uu xisbiga KULMIYE bulshada u qaaday waqtiyadii doorashooyinka, iyaga oo sidoo kalena madaxweynaha la wadaagay qaar kamid ah tabashooyinka bulshada ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha, ayaa si kal-furnaan ah uga jawaabay su’aalaha ay xubnaha golaha dhexe weydiiyeen, waxana uu garowshiiyo ka bixiyey wixii tabasho ah ee xaqiiqda ku fadhida ee waqtigan jira, waxana uu ballan qaaday inuu mar walba diyaar u yahay isla-xisaabtan iyo wax isweydiin la xidhiidha sidii looga midho dhalin lahaa waxyaabihii uu xisbigu ummadda u ballan qaaday.

Kulanka isla xisaabtanka iyo hawaalle-warranka isugu jira ee madaxweynaha iyo golaha dhexe dhexmaray oo qabsoomay isla intii uu shirka golaha dhexe socday, isla markaana ajandaha shirka qayb ka ahaa, ayaa ku dhammaaday jawi deggen, waxana uu madaxweynuhu si waafi ah uga jawaabay dhammaanba wixii su’aalo ahaa ee halkaas lagu weydiiyey.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY