Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Sagootina U Sameeyay Guddigii Hore Ee Doorashooyinka

0
694

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagoon ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishanka hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahad naq lagu fooladaynayo shaqadii adkayd ee ay xubnahaasi qaranka u soo qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay waajibaadka qaranka usoo guteen.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada.

Waxaanu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen, isla markaana abaal badan loogu hayo.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahad naq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY