Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Gudida Qandaraasyada Qaranka Una Ugu Hambalyeyey

0
1548

HargeisaPress — Gudoomiyaha Gudida Qandarasyada Qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen Oo Ay Weheliyaan Agaasimaha Guud Ee Haayadaasi Iyo Xubnaha Ka Tirsan Gudida Qandaraasyada Qaranka Ayaa Kulan kula qaatay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan ay gudida qandaraasyadu laqaateen madaxwaynaha ayaa ahaa kulan lagu dardar gelinayay hawlaha shaqo ee gudida qandaraasyadu qaranka uhayaan Gudoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Ayaa Kulankaasi Ka Jeediyey Warbixin Uu Kaga Hadlaayo Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland,Maadama Oo Haayadaasi Noqotay Tiir Muhiima Oo Ka Dhabeeyey Badiba Balan-qaadkii Madaxweynaha Somaliland Sameeyey Wakhtigii Doorashada Taas Oo Ku Saabsan Tartanka Xorta Ah Ee Loo Gelaayo Gudida Qandaraayda Qaranka Somaliland.

 

Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Masuuliyiinta Xafiiska Gudida Qandaraasyada Qaranka Islamarkana Ujeedadiisa Ahayd Sidii Loo Dardargalin Lahaa Hawlaha Shaqo Ee Qaranka Ay U Hayaan Oo Uu Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Ku Aamanay Sida Hufnaanta Leh Ee Ay Qaranka Ugu Adeegayaan.

Dhanka Kale Madaxweynaha Somaliland Ayaa Gudida Qandaraasyada Qaranka Ugu Hanbalyeyey Shaqada Hufan Ee Qaranka U Qabteen,Isagoona Ku Booriyey Inay Sii Dar-dar Geliyaan Shaqada Ay Qaranka U Hayaan.

Gudoomiyaha Gudida Qandarasyada Qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa muujiyay kari iyo daacadnimo taasi oo ay shacabka Somaliland ka dareemen shaqada gudida ee mudooyinka ka soo ifbaxay Gudida Qandarasyada Qaranka Somaliland.

Cabdiraxiim Muuse Yusuf

Hargeysa,Somaliland

LEAVE A REPLY