Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aaska Marxuum Cabdilaahi Obsi

0
688

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi) oo lagu aasay qubuuraha Sheekh Nuur ee Barriga Hargaysa.

Marxuumka oo xalay ku geeriyooday magaaladda Hargaysa ayaa Maydka salaadii Janaa’isadda lagaga tukadaymasjidka tabliiqiyiinta ee isla magaaladda Hargaysa.

Waxaana Aaska Marxuumka ka soo qayb-galay hal-doorka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhamaantood ka markhaati kacay shaqsiyadii wanaagsanayd ee uu lahaa marxuumku.

Taariikhdiisii iyo geesinimadii aanu la gaban jirin wakhtigii adkaa ee shacbiga Somaliland soo maray.

Sidoo kale waxaa aaska marxuumka ka soo qayb galay madaxda xisbiyadda mucaaradka ah, siyaasiyiin, aqoon yahano, madax dhaqameed iyo dadweyne kale.

Waxaana halkaas hadalo ka jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo dadweynihii kale ee aaska ka qayb galay.

Daawo Madaxweynaha iyo Masuuliyiintii Kale Oo Ka Waraya Taariikhda Marxuumka:

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii taariikhda marxuumka ka sheekeeyay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali Faarax:

Waxaa isna halkaas ka hadlay Kornayl Ibraahim Dhega-weyne:

Dhinaca kale waxaa isna taariikhda marxuum Obsi ka waramay guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here