Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Loo Doortay Dalka Ethiopia.

0
1152

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Dhambaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay Dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa ka dawladda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa madaxweynaha cusub ee Dawladda federaalka Itoobiya, Sahle-Work Zewde.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku hambalyeynayaa madaxweynaha cusub ee dawladda federaalka Itoobiya guushii ay ka gaadhay doorashada baarlamaanku ugu doorteen madaxweynaha dalkaasi, oo taariikhda markii u horaysay ka dhigaysa in madaxweynuhu noqdo haweenay, taas oo uu madaxweynaha Somaliland-na si gaara ugu hambalyeey dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taa la mid ah u dirayaa dawladda federaalka Itoobiya iyo shacbi-weynaha dalkaasi oo ah dal aynu jaarnimo iyo xidhiidh qoto dheer wadaagno, waxaanu madaxweynuhu, madaxweynaha cusub ee la doortay u rajaynayaa guul, horumar iyo inay halkaa ka sii amba-qaado is kaashiga labada dal ka dhexeeya.

Ugu danbayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynihii xilka banneeyey ku bogaadinayaa doorkii uu ku lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya mudadii uu xilka hayey.”

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY