Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Bandhigga Carwadii 8-aad Ee Somaliland + SAWIRRO

0
1331

Hargeysa, (HargeisaPress) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh, waxaana madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka rugta Ganacsiga, wershadaha iyo Beeraha, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka shirkadaha waaweyn ee dalka ka shaqeeya, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku hayey horumarka ay ganacsatada dalku ku tallaabsadeen iyo baahida loo qabo in mar walba la diyaariyo madal ay ku kulmi karaan ganacsatada iyo macaashoodu.

Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Shugri, ayaa ugu horrayn si mug leh u sharraxay muhiimadda ay carwadani u leedahay bulshada iyo sida ay fursadda ugu tahay ganacsatada iyo macaamiishooda kala duwan, waxana uu ganacsatada ku boorriyey inay madasha keenaan waxyaabo soo jiidan kara macaamiisha, islamarkaana qiimahoodu macquul yahay.

Wasiirka Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin), maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Axmed iyo xubno ku hadlayey ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland u leedahay furitaanka carwadani oo lagu soo bandhigayo  wax soo saarka kala duwan ee dalka gudihiisa ka  soo baxa, adeegyada shirkdaha qaarkood muwaadiniintooda u qabtaan iyo weliba waxyaabaha kala duwan ee ganacsatadu dibadda kasoo waariddo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn  sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee ay ganacsatadu kala soo tabbaalatay dalka iyo sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen duruufihii adkaa ee dalku soo maray, waxana uu ka codsaday inay ka fiirsadaan tayada waxyaabaha kala duwan ee ay dalka soo gelinayaan, muhiimad gaar ahna siiyaan  tayada iyo waxtarka waxyaabaha kasoo baxaya wershadaha kala duwan ee ay ganacsatadu dalka gudihiisa ka hirgelisay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in isku-duubnida aqoonyahanka, dhaqaale-yahanka iyo hoggaanku tahay jidka kaliyaha ee lagu hormari karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarka dalka saddex qodob baa tiirar u ah, mid waa dhaqaale, midna waa aqoon, midina waa hoggaamin. Haddii aynnu saddexdaas tiir isla helno oo ay isla jaanqaadaan faqriga iyo baryadaba weynnu ka baxaynaa.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay inay Somaliland haysato fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’iidaysto, islamarkaana ay beesha caalamku si weyn ugu soo jeeddo Somaliland, xukuumad ahaanna ay diyaar u yihiin inay fursaddaas uga faa’iideeyaan bulshada,  “Fursadda ay maanta Somaliland haysato labada sano ee soo socda, waa fursad haddii ay ina seegto si loo heli doono aynnaan garanaynin, iyada oo aan la ina ictiraafsanayn oo weliba qolo aynnu beri dawlad wada lahaan jirney inoo hanjabayso oo ay meel walba inagala dagaallamayso, haddana Ilaahay wuxuu qaddaray maanta in caalamku Somaliland usoo jeedo, cid kasta Bari iyo Galbeed wax Allah iyo wixii lacag lahaa maanta way inoo soo jeedaan, haddaynaan ganacsatadeedan, aqoonyahankeenna iyo dawladdeennu arrintaas ka faa’iidayn taariikhdu ina saamixi maysa’e ogaada inteenna maanta xilka haysaay, annaguna xaggayaga diyaar baannu ka nahay” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu farriin u diray cid kasta oo laf-dhabar u ah horumarka qaranka, isaga oo caddeeyey in xukuumad ahaan ay doorkooda ka qaataan ka midho-dhalinta himilada horumarineed ee qaranku leeyahay, waxana uu yidhi, “Farriintaydu waa qaybta dhaqaalaha xorta ah, aqoonyahanka iyo xukuumadda saddexdaba masuuliyad baa ina saaran, annaga xukuumad ahaan taayada Ilaahay nooma xilqarin oo Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xilqarin, diyaarna waannu nahay waayo-araggeedana waannu nahay, labada qaybood ee kalena waxannu doonaynaa inay hawsha nala soo galaan oo aynnu ka wada shaqaynno.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY