Madaxweynaha Somaliland Oo Booqdey Ciidanka Qaranka Ee Tukoraq + SAWIRRO

0
4171

Tukaraq, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada qaranka,waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee magaalada dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka.

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Sarreeye gaas, Nuux Ismaaciil Taani oo madaxweynaha warbixin ku siiyey fadhiisimada ciidamada qaranka ee Aagga Tukaraq, ayaa ugu horrayn madaxweynaha ku bogaadiyey booqashadiisa uu ugu kuurgelayo xaaladda ciidamada qaranka, isaga oo sidoo kalena ku bogaadiyey sida uu u danaynayo daryeelka ciidanka, waxana uu yidhi, “Aad baan madaxweyne kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad ciidanka u taakulayso iyo sida aad markasta u doonayso in wax loo qabto ciidanka.”

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA

LEAVE A REPLY