Madaxweynaha Somaliland Oo Afur Iyo Casho Is-Barkan Ku Casuumay Culimaa’udiinka Dalka

0
1388

“Culimada waxaan ka doonayaa inay igala hawlgalaan laba shay oo aan is leeyahay dhibaatooyinka jira oo dhan Hooyo ayey u yihiin”…Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Afur iyo casho-sharafeed is-barkan u sameeyey culimaa’udiinka dalka oo isaga kala  yimi guud ahaanba gobollada  iyo degmooyinka  dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadda afur-wadareedka iyo cashada is-barkan ah oo caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeennadii labaad iyo afraad, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe,  xubno kamid ah golaha wasiirrada, culimaa’udiinka ugu magaca weyn guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxaana  ujeeddadeedu ahayd sidii madaxweynaha iyo culimadu  isu xog-waraysan lahaayeen, isuna dhaafsan lahaayeen wixii talooyin  ah ee muhiim loo arko.

Xubno ay kamid yihiin wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Cabdirisaaq Albaani oo munaasibadda hadallo kala duwan ka jeediyey, ayaa bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee uu madaxweynuhu u ilaaliyo xidhiidhka uu la leeyahay culimada qaranka iyo sida uu diyaarka ugu yahay inuu taladooda u tixgeliyo, waxaana ay dhammaantood madaxweynaha ugu duceeyeen inuu Eebbe tubta toosan waafajiyo.

Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo madasha ka hadlay, ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya madaxweynaha iyo culimada, waxaana uu si gaar ah uga digay colaadda deegaanka Ceel-afweyn oo saamayn aan wanaagsanayn yeelan kara.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna dhinaciisa soo jeediyey in la dardargeliyo xidhiidhka culimada iyo madaxweynaha, waxaana uu culimada kula dardaarmay inay dhismaha dalka iyo suulinta dhaqammada liita ku dedaalaan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadal kooban kulanka ka jeediyey, ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeeddada kulankan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Mudane Madaxweyne kulankani waxa uu wax weyn ka tari doonaa wada-tashiga iyo isbarashada culimada iyo hoggaanka dalkan iyo sidii looga wada-shaqayn lahaa, korna loogu qaadi lahaa wacyiga ummadda ee ku aaddan dhinacyada Diinta iyo arrimaha bulshada, iyada oo ay wasaaradda Diintu leedahay kaalinta nidaaminta qaabka loo horumarinayo diinta, haddii ay barashadeeda tahay iyo ilaalinta anshaxa bulshada.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya culimada u jeediyey, ayaa ugu horrayn culimaa’udiinka dalka ka codsaday inay qayb ka noqdaan damminta colaadda deegaanka Ceel-afweyn ka taagan oo uu tilmaamay in doorkoodii looga fadhiyo, waxaana uu yidhi, “Arrinta Ceel-afweyn waa in loo gurmado oo la isugu tago oo aynu xal u helnaa, xalkuna xukuumadda oo qudha ma ahee weynu u dhannahay, culimadana waxa aan ka codsanayaa inay hawshaas usoo diyaar garoobaan qaybtoodii, loogana maarmi maayo, iyaga oo culimo ah oo isku dhan, marka Ramadaan dhammaatona waxaan idinka rajaynayaa inaad soo diyaarisaan culimada qaybtii ka hawlgeli lahayd arrintaas, madaxdii hore iyo cidkasta oo siyaasi ah oo muddo-kar ahna meel baanu ka wada fadhinaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu culimada u sheegay inuu marti uga yahay xallinta laba dhibaato uu ku tilmaamay aafo horumarka iyo wada-jirka bulshada kasoo horjeedda, “Culimada waxaan ka doonayaa inay igala hawlgalaan laba shay oo aan is leeyahay dhibaatooyinka jira oo dhan Hooyo ayey u yihiin, midi waa Qabyaaladda, dhibaatada ugu weyn ee dadku isku dilayaan ee dagaalkan beeluhu usoo noqnoqnayo qabyaaladda ayaa abuurta, waayo dadkii baa dhulkii Ilaahay ina wada dejiyey ayaa qabiil lagu kala sheeganayaa. Dhibaatada labaad waa Qaadka, isna waa Hooyada labaad, marfash baa la isugu yimaaddaa, Ilaahay lagama yaabo, la iskuma waaniyo, marka hawsha qaadka la bilaabayona gabayadii lixdankii baa la keenaa, ka yar ee dhegaystaana waxa uu ku ababaa colaadda iyo belaayadaa reernimo ee gabayadii hore ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu mar walba diyaar u yahay inuu culimada dalka la tashado, isla markaana u hoggaansamo soo jeedimahooda salka ku haya horumarka dadka iyo dalka, lana yeesho xidhiidh joogto ah.

LEAVE A REPLY