Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii Uu Hogaaminayay Oo Hargaysa Ku Soo Laabtay

0
529

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo hoggaaminayo, ayaa maanta ku soo laabtay caasimadda dalka ee Hargeysa.

Kaddib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo muddo Toddoba maalmood ah qaatay.

Safarkaasi oo madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku soo mareen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaana Awdal, Saaxil, Togdheer iyo Gabiley.

Madaxweynaha oo safar shaqo kusoo maray gobollada galbeedka ee Gabiley iyo Awdal iyo qaar kamid ah gobollada bariga dalka oo ay kamid yihiin Saaxil iyo Togdheer, ayaa farxadda kala qaybgalay Ardayda sannadkan ka qalinjebiyey jaamacadaha dawladda ee gobolladaas ka dhisan.

Isagoo mashaariic kala duwan oo ay xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelisay kormeeray, halka iyo dhagax-dhig iyo xadhi-ka jaris ku sameeyey mashaariic kale oo bulshada waxtar u leh.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shirar kala duwan la galay madaxda xukuumadda u qaabilsan gobollada uu booqday.

Madaxweynaha oo kuurgalay mashaariicda kala duwan ee dawladdu hirgelisay iyo adeegyada bulshada loo qabto.

Shacabka kala duwan ee ku dhaqan deegaannada uu madaxweynuhu booqday, ayaa si ballaadhan madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, iyaga oo isugu soo baxay jidadka waaweyn.

Waxaanay muujiyeen taageerada ay u hayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Daawo Sawirradii Soo Dhawaynta Madaxweynaha Ee Hargaysa:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here