Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan oo Khadka Telefoonka Ku Wadahadlay

0
1661

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dowladda dalka Taiwan, ayaa Somaliland ugu hambalyeysay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiiladda iyo Goleyaasha Degaanka ee dhowaan Somaliland ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan Josef Wuu oo Khadka taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo ka soo gaadhsiiyey dowladda iyo shacabka Taiwan Somaliland iyo madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Taiwan, ayaa waxaa uu ballan-qaaday in ay si dhow Somaliland ula shaqayn doonaan. iyadoo Taiwan ay 2 Milyan oo dollar ay ku taageertay doorashada Somaliland.

Dhinaciisana Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo Shacabka dalka Taiwan sidii ay ugu garab istaageen Dowladda iyo Shacabka Somaliland talaabadda dimuqraadiga ah ee ay qaadeen.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in labada dal ee Somaliland iyo Taiwan ay yihiin kuwo ka siman dhinaca bulshadda Dimuqraadiga ah.

LEAVE A REPLY