Madaxweynaha Somalia oo xilkii ka qaaday agaasimaha nabadsugida Qaranka

0
947

MUQDISHO, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xilka ka qaaday agaasimihii guud ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), inkastoo uu madaxweynuhu dhawaan diiday xil qaadistii ay agaasimaha ku sameeyeen Sanbaloolshe.

Wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray maanta madaxweyne Xasan ayuu ku xusay inuu xilkii ka qaaday agaasimihii xilka laga qaaday, isagoo xil ka qaadista u cuskaday qodobbo ka mid ah dastuurka Soomaaliya.

Xilka qaadista agaasimihii hore ee nabadsugidda oo ay horraantii bishan isku raaceen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayuu madaxweynuhu diidday, iyadoo taasi ay keentay inay kala aragti duwanaasho soo dhexgalo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa, iyadoo la sheegay in xalay la xalliyay fikir kala duwanaashaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maalin ka hor ka sheegay dalka Britain oo uu booqasho ku joogay in sababaha xilka looga qaaday agaasimihii nabadsugidda ay tahay xarig uu u geystay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamul xumo.

Agaasimihii hore ee xilka laga qaaday ayaa noqonaya mas’uulkii ugu xilliga yaraa ee hayay hay’adda nabadsugidda Qaranka, isagoo xilka looga magacaabay 09-kii July, iyadoo xilkana laga qaaday 07-dii bishan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda uu magacaabayo agaasimaha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka, iyadoo wararka hoose ee la helayo ay sheegayaan in xilkan laga yaabo in loo magacaabo, Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare oo hadda ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somalia.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here