Madaxweynaha Somalia Oo dowlada Sacuudiga kala hadlay saldhiga Imaaraadka uu ka sameysanayo Berbera

0
1303
طلب الرئيس الصومالي محمد عبد الله محمد فرماجو الوساطة السعودية لإقناع الإمارات العربية المتحدة بعدم إستكمال إقامة قاعدة عسكرية في "أرض الصومال".

Mogadishu,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig Milateri ay ka dhisato Dekada Barbera ee Somaliland.

Warbixintan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah waxaa uu arrintan kala hadlay kuxigeenka dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis oo ah Wasiirka Gaashaandhiga, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibada Sacuudiga Caadil Axmed Al-jubeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaaradka uga tanaasulo saldhiga Milateri ee Berbara ka hirgilinayo kadib marki Barlamanka Somaliland ay ansixiyeen heshiiska Somaliland iyo imaaradka ee quseeya dhismaha saldhiga taa oo ay madaxda Soomaaliya ka carootay kuna tilmaamen inaysan ahayn mid sharci ah.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY