Madaxweynaha SL Oo Qudbad Aad Uu Xasaasi ah Isla Markaana Siweyn Loo Sugayey Ka Jeediyey Madashi Qalinjabinta Jaamacada Camuud

0
894

Boorama, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa qorshayaashiisa mustaqbalka dhaw iyo waxyaabihii xukuumadda uu hoggaamiyo u qabsoomay muddadii siddeeda bilood ahayd ee uu xilka hayey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkan maanta ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabinayeen arday ka baxday jaamacadda Cammuud, ayaa si gaar ah ugu dheeraaday guulaha la taaban karo ee ay xukuumaddu gaadhay muddadii ay jirtey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne ahaan ku taagan yahay fulinta ballamihii uu shacabka u qaaday waqtiyadii ololaha doorashada lagu jirey.

LEAVE A REPLY