Madaxweynaha oo shacabka Somaliland ka Tacsiyadeynaaya Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil

0
1234
Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka,qoyska, qaraabada, eheladii, asxaabtii, shacabka Somaliland iyo gaar ahaan bahda waxbarashada Somaliland isagoo ka tacsiyadeynaaya geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu ahayd 25/12/2016.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey  inuu ahaa Macalin door muhiima ka soo qaatay la dagaalanka jahliga, tacab aan la qiyaasi karina u galay dadkiisa iyo dalkiisa. waxaanu ka mid ahaa macallimiintii waa-waynayd ee reer Somaliland, muddo ka badan 50 sanno-na ahaa macallin ka hawlgala dugsiyada waxbarashada dawladda oo uu ka soo saaray aqoonyahan aad u tiro badan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, bahda waxbarashada, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

     Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha  JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here