Madaxweynaha oo Guul ku soo Afjaray Socdaalkiisii Guinea, Kulankii Addis-ababa iyo Soo Dhaweyntii Axadda loogu Sameynayo Hargeysa

0
975
Madaxwayne Biixi oo Kulan la Qaatay Wasiirka Maaliyadda ETHIOPIA iyo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar - PHOTO HCTV YouTube

Addis-ababa,(HargeisaPress) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gaadhay Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, kadib markii uu soo dhammaystay socdaal taariikhi ah oo uu ku tagay dalka Guinea ee galbeedka Afrika, halkaasi oo loogu soo dhaweeyey meeqaamkii u sareeyey.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay  maanta kula kulmeen magaalada Addis-ababa Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaalka Itoobiya Md. Axmed Shide iyo Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar  oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maanta lagu wado inuu dalka dib ugu soo laabto, kadib markii uu soo dhammeystay socdaal saameyn yeeshay oo  uu ku tagay dalka Guinea ee galbeedka Afrika, halkaasi oo uu kulamo midhodhal ah kula yeeshay Madaxweyne Alpha Conde iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada.

Waxa caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka socda qabanqaabada dadweynaha reer Hargeysa ay ugu diyaar-garoobayaan inay soo dhaweeyaan Weftiga madaxweynaha Somaliland oo ay u arkaan inuu yahay safar najaxay oo uu Somaliland ugu soo furay albaabada galbeedka Afrika.

Siduu Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Cabdinaasir Aadan Beegsi, shirgudoonka Golaha odayaasha ayaa baajiyey fadhigii Golahaasi yeelan lahaa Axadda Berri, waxaanay xildhibaannada ugu baaqeen inay ka qaybgalaan soo dhaweynta Madaxweynaha JSL iyo Weftigiisa guusha ka soo hooyey safarkii shanta maalmood qaatay ee ay ku tageen Guinea.

Shacbiga Somaliland ayaa cambaareeyay  hadallada naxliga siyaasaddeed xambaarsan ee ka soo yeedhay dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka xumaaday dedaalka Somaliland ay ugu jirto inay wax la qabsato dalalka adduunka, waxaanay shacbigu bogaadiyeen Madaxweyne Muuse Biixi iyo siyaasadiisa arrimaha Dibadda.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa/Somaliland.
hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY