Madaxweynaha Mareykanka oo Booqashadiisii ugu Horreysay ku Tagaya Dalka Itoobiya

0
940

HargeisaPress — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo lagu wado inuu bisha soo socota ee July booqasho ku yimaado xarunta Kenya ee Nairobi ayaa la sheegayaa inuu booqan doono dhammaadka bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Booqashada Obama ee Addis Ababa ayaa noqonaysa tii ugu horreysa oo uu ku tago dalka Itoobiya isagoo madaxweyne ah, waxaana booqashadan ay ka horreysaa tan uu ku tegi doono dalka uu Aabbihiis kasoo jeedo ee Kenya.

Obama ayaa mas’uuliyiinta Itoobiya kala hadli doona Waxyaabo ay ka mid yihiin, dar-dar-galinta kobaca dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda iyo sidii sare loogu qaadilahaa ammaanka, sida uu sheegay Xoghayaha Warbaahinta ee Qqalka Cad ee Maraykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama

“Socdaalka uu Obama ku tagayo Itoobiya waa mid qayb ka ah booqashada uu ku tagayo Kenya, socdaannadana waa kuwo xidhiidh dhow la leh xoojinta xidhiidhka USA iyo Afrika,” ayaa lagu yidhi warbixin laga soo saaray Aqalka Cad.

Warbixinta ayaa intaas raacinaysa. “Booqashadan waa markii ugu horreysa oo uu madaxweyne Mareykan ah ku tago Itoobiya booqasho oo ay ku taallo xarunta ugu weyn ee Ururka Midowga Afrika. Waxaana waxyaabaha uu kala hadli doono Obama madaxda Itoobiya ka mid ah xoojinta Amniga.”

Barack Obama ayaa lagu wadaa inuu booqashada Addis Ababa kaddib uu booqasho ku tago dalka Kenya oo uu aabbihii ku dhashay, halkasoo uu kaga qaybgeli doono shir looga hadlayo hal-abuurka oo lagu qabanayo magaalada Nairobi.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY