Madaxweynaha Kenya oo Xilkiisa ku wareejiyey Ku-xigeenkiisa, Hor-tegayana Maxkamadda ICC

0
962

Nairobi / Hague, (Hargeisa Press) — Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa si ku-meel-gaadh ah uga tegay xilka, isla markaana ku wareejiyey Ku-xigeenkiisii, isagoo u kicitimaya magaalada Hague ee waddanka Holland, halkaas oo ay 8-da bishan October uga bilaabanayso Dacwadda kaga socota Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC.

Khudbad uu Isniintii maanta ka jeediyey xarunta Baarlamaanka Kenya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalkiisa Madaxweynaha Kenya ayuu ku sheegay inuu xilka si ku-meel-gaadh ah ugu wareejiyey Madaxweyne Ku-xigeenkiisa, maaddaama oo uu tegayo Maxkamadda Dembiyada caalamiga ah ee ICC oo uu sheegay in Dacwadi kaga socoto. Madaxweynaha Kenya waxa uu ku dooday inaanay waxba ka jirin Dacwadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha iyo abaabulka dagaal ee kaga socota Maxkamadda Hague ee waddanka Netherland, hase-yeeshee uu tegayo isagoo ixtiraamaya Maxkamadda, isla markaana uu go’aansaday maaddaama oo uu Maxkamad hortegayo inuu si shaqsi ah u hor-tago oo uu xilka Qaranka Kenya u sii wareejiyo si ku-meel-gaadh ah, sida uu hadalka u dhigay.

Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Netherland, ayaa Dacwadda ay u haysato Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta inuu qayb wayn ka qaatay, isla markaana masuul ka yahay qalalaase ka dhashay doorashadii Madaxtinnimada ee dalkaas ka qabsoontay bishii December sannadkii 2007-dii, qalalaasahaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan kun qof oo reer Kenya ah, markii Kacdoon hubaysan ay iskaga hor-yimaaddeen Shacabka Mucaaradka taageersanaa iyo dad ay dawladdu Hubaysay, isla markaana Ciidammadu caawinayeen sida marar badan Maxkamaddu ku eedaysay Uhuru.

Tallaabada Uhuru Kenya ku tegayo Maxkamadda oo uu muddo badan ka war-wareegayey, isla markaana meelo badan uga qiil-raadiyey inaan Dacwaddiisu noqon mid Maxkamadda Hague furfurto, ayaa suurageli weyday, waxaana soo dedejiyey go’aanka uu xilka ku wareejiyey, isla markaana ku hortegayo markii koowaad Maxkamaddaas, ayaa ah markii ay Maxkamadda ICC amar ku bixisay inuu 8-da bishan hor-yimaadda Maxkamadda, haddii kale ay Maxkamaddu u jari doonto Waaran qabasho ah.

Waxay Maxkamaddu go’aankaas soo saartay Arbacadii inna dhaaftay, ka dib markii ay Xaakinna Maxkamaddu diideen, isla markaana ku gacan-saydheen dalab ama codsi Uhuru ku codsanayey inuu kaga qaybqaato Maxkamadda hab Maqal iyo Muuqaal ah isagoo dalkiisa Kenya ku sugan, taasoo ay ka diidday, beddelkeeda soo saartay go’aankan adag ee ah in Waaran loo jari doono haddii uu siddeedda bishan October oo ku beegan Arbacada toddobaadkan ka xaadiri waayo Maxkamadda horteeda.

“Sababta aan u doortay inaan xilka wareejiyaa waxa weeyaan inaan ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo midnimada dadka reer Kenya ee Afartan Milyan ka badan aan isku dayaynin inaan adeegsado Maxkamadda.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya ee xilka wareejiyey Uhuru Kenyatta sida ay warkan ka soo xiganay Wakaaldaha Wararka .

Waxaanu intaas ku daray; “Waxaan go’aansaday inaan yeedhmada Maxkamadda aqbalo anigoo ixtiraamaya Maxkamadda ICC yeedhmadeeda, waxaan go’aansaday inaan hor-tago Maxkamadda aniga oo shaqsi ah, anigoo og inaan waxba ka jirin eedaymaha horyaalla ICC.”

Kenyatta waxa uu sheegay inuu kalsooni badan ka qabo inuu garab iyo difaac ka heli doono Ururka Midawga Afrika, waxaanu intaas ku daray inuu dadka reer Kenya ugu baaqayo inay degganaanshohooda iyo nabadgelyadooda ilaashadaan.

The violence left 1,200 people dead and displaced tens of thousands more
The violence left 1,200 people dead and displaced tens of thousands more

Uhuru Kenyatta, Madaxweyne Ku-xigeenkiisa uu xilka ku wareejinayo ee William Ruto oo isaga laftiisa dacwadi ka taallo Maxkamadda ICC, Joshua arap Sang oo ah Suxufi ka hawlgalaya Idaacadda dawladda Kenya wakhtigaas, ayaa dhammaantood ku eedaysan inay si weyn uga qayb-qaateen, masuulna ka yihiin sababta kunka qof ee reer Kenya u dhinteen, in ka badani u dhaawacmeen, Kumaan kun kale oo reer Kenya ahina u ga barakaceen guryohoodii ka dib ku dhawaaqistii natiijada doorashada Madaxweynaha 2007-dii.

Waxaana la filayaa inay kulligood waajihi doonaan Sharciga Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ee magaalada Hague, waxaana soo turjumay warkan Aftahannews qorayaasheeda. Waxa Madaxweynaha Kenya Safarka uu ku hortegayo Maxkamadda ICC ku wehelin doona in ka badan Boqol Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Waddanka Kenya iyo Saraakiil kale oo ay ka mid yihiin Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya iyo Garyaqaanno kale.

Marar badan ayaa dib loo dhigay Dacwadda ka dhanka ah Uhuru dhegaysigeeda, ka dib markii uu dalbaday in dib loogu dhigo, marar badan ayuu difaac galay illaa heer ay Baarlamaanka Kenya ansixiyeen inay ka baxday Kenya Heshiiska Maxkamaddaasi ku dhisan tahay oo ay ka mid ahayd dalalkii wax ka saxeexay, balse waxa uu hadda Kenyatta u muuqdaa mid werwereeggiisi soo dhammaaday oo Sharciga si rasmi ah u waajahaya.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY