Madaxweynaha Kenya oo Dhaleeceeyay Wadamo Shisheeye oo Faro Gelin Ku Haya Dalkiisa

0
1087

Nairobi (Hargeisa Press)  – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru kenyatta ayaa dhaleeceeyay wadamada shisheeye oo uu ku eedeeyay isku day fara galin ka dhan ah arrimaheeda gudaha.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay qadarinayso taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay ummadaha kale, balse ayna aqbalayn in cid kale soo fara galiso oo wax u yeedhiso.

“Waxaan u mahadcelineynaa saraakiisha Qaramada Midoobay iyo dhamaan la-hawlgalayaasha wada shaqeynta dhow aan la leenahay. Laakiin xilligan la joogo waa inaan caddeeyaa in Kenya ay leedahay milkiilayaal. milkiilayaasheedu waa 50 milyan oo Kenyan ah, ”ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa yidhi,” fadlan ka fogow faragalinta ama isku dayida inaad nagu hagto dariiqa aan ku socono.

Lama oga dalalka ay farriintiisa ku socota, waxaase ay kusoo beegmaysa xilli ay Soomaaliya hore uga cabanaysay in ay Kenya faro galin ku hayso arrimaheeda gudaha gaar ahaan doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here