Madaxweynaha Dowlad Deegaanka oo Qaabiley Wefdi Ka Socda Baarlamaanka Kenya

0
1278

Jigjiga (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa madaxtooyada ku qaabbilay wefdi isugu jira Xildhibaanno iyo Siyaasiin ka socda dalka Kenya.

Wefdigan isugu jira Xildibaanada iyo siyaasiinta, ayaa ka soo jeeda deegaammada Soomaalida ee gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Madaxweyne Cagjar, ayaa xubnaha wefdiga uga warbixiyay mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka Soomaalida gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waddooyinka iyo waxbarashada.

Waxa kale oo uu u sharraxay ergayga hawl galo la qaadayo si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale u sheegay Xildhibaannada baarlamaanka Kenya in baaxadda siyaasadda deegaanka la ballaadhiyay islamarkaana dhowr dhinac oo tartamaya ay ka hawlgalayaan gobolka tan iyo markii dib u habeynta lagu sameeyay deegaanka.

Xubnaha wefdiga Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka socda dalka Kenya, ayaa bogaadiyay waxqabadka dowlad deegaanka oo ay ku sheegeen mid aan laga indho saaban karin, iyaga oo ku ammaanay maamulka Deegaanka ka-go’naanshaha ay muujiiyeen muddada kooban.

LEAVE A REPLY