Madaxweynaha Djibouti oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Maamulaha Guud ee Shirkadda SAGALJET Cabdi Yusuf Aar + SAWIRRO

0
1279

Djibouti, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay maamulaha guud ee shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET Md. Cabdi Yuusuf Aar oo safar shaqo ku jooga dalka Djibouti.

Kulankan oo ahaa casuumad uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyey maamulaha guud ee shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET Md. Cabdi Yuusuf Aar, ayuu maamuluhu ku guddoonsiiyey madaxweynaha Boqol (100) buug oo luuqadda Afka Soomaaiga ku qoran oo ay daabacday shirkadda SAGALJET.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, ayaa maamulaha guud ee shirkadda SAGALJET uga mahadceliyey dedaalka ay shirkaddu ku jirto iyo horumarka ay ku tallaabsatay muddadii ay jirtey iyo sida xilkasnimada leh ay uga qaybqaadatay soo noolaynta, xafidaadda iyo waaritaanka afka Soomaaliga.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu sharraxay muhiimadda ay leedahay xafidaadda iyo kaydinta Taariikhda iyo ma-hadhooyinka kale ee Afka Soomaaliga oo ah shaqada ugu weyn ee shirkadda SAGALJET u hayso guud ahaan bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, waxana uu yidhi, “Waa sharaf weyn in dadka hal-abuurrada ahi wixii ay curiyeen ama abuureen arkaan oo uu noqdo mid hadha oo la daabaco, sababta oo ah oo hadalku wuu lumayaa laakiin qoraalku wax raagaya oo hadhaya weeye.”

Maamulaha guud ee shirkadda SAGALJET Md.Cabdi Yuusuf Aar waxa uu dhankiisa ka mahadnaqay kulanka casuumadda ah ee la qaatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo sharraxay noocyada hadyado buugaag ah oo ay shirkaddu madaxweynaha guddoonsiisay iyo sababta ku dhalisay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Fursad weyn bay noo ahayd inaanu la kulanno ama uu nagu soo dhaweeyo qasriga madaxtooyada madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle annaga oo ah shirkadda daabacaadda ee SAGALJET, kulankaas oo daarranaa hadyad buugaag ah oo boqol Buug oo isugu jira Taariikh, Suugaan iyo waxyaabo kale oo qoraalka Afka Soomaaliga ku saabsan oo aanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti guddoonsiinay oo aanu uga gol lahayn inaanu uga mahadnaqno dhiirrigelinta uu marba qoraalka Afka Soomaaliga Dhiirrigeliyo.”

 

Kulanka casuumadda ah ee maamulaha guud ee shirkadda SAGALJET Md. Cabdi Yuusuf Aar la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa safiirka dalka Djibouti u fadhiya Somaliland Md. Xuseen Cabdilaahi Kawaaliye oo isaguna si weyn uga mahadnaqay horumarka shirkadda SAGALJET.

LEAVE A REPLY