Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Bookhasho Heer Sare Ah Ku Jooga Dalka Itoobiya + SAWIRRO

0
1173
President of Djibouti Ismail Omar Guelleh

Addis Ababa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bookhasho heer sare ah ku jooga dalka Itoobiya, taasi oo lagu macneeyay waa cusub oo loo furayo xidhiidhka horeba u fiicna ee Itoobiya iyo Jabuuti u dhexeeyay. Mudane Ismaaciil oo galinkii dambe ee Khamiista gaadhay Addis waxa madaarka ku soo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, wasiirka arrimaha dibada Dr. Workneh Gebeyehu iyo daraasiin saraakiisha sarsare ee dawladda Itoobiya ah, isagoo salaan ka qaatay ciidamad Militariga, sidoo kalena lagu soo dhaweeyay heeso dhaqameed.

Madaxweynaha Jabuuti waxa wehelinayay Wasiirkiisa arrimaha dibada Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka dhaqaalaha iyo maaliyadda Iliyaas Muuse Dawaale, Wasiirka arrimaha gudaha Xasan Cumar Maxamed iyo wasiirka garsoorka mudane Axmed Muumin Sheekh, waxaanu khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya, taas oo uu kaga hadlay xidhiidhka wanaagsan iyo qorsheyaasha horumarinta ee Itoobiya ka dhexeeya.

Sidoo kale Jimcihii ayay kulan gaar ah wada qaateen Ra’isal wasaare Hailemariam iyo Madaxweyne Geelle, waxaanay wada saxeexdeen heshiisyo iskaashi oo ay ka mid yihiin iskaashiga isu celinta dadka dambiyada gala, iskaashiga shuruucda dambiyada, tababarro ku saabsan dhinaca sharciga iyo iskaashiga ganacsiga.

President of Djibouti Ismail Omar Guelleh, left, and Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn, right, hold a press conference after their meeting at the National Palace, in Addis Ababa in Ethiopia on March 17. Photographer: Minasse Wondimu Hailu/Anadolu Agency/Getty Images

Ra’isal wasaaraha Itoobiya ayaa Madaxweyne Geelle uga mahadceliyay aqbalaada marti qaadka uu u fidiyay“Labada dal waxay leeyihiin xidhiidh dabeecad ahaan iyo taariikh ahaanba aan la kala saari Karin, Dadka Itoobiya iyo Jabuuti waxay si guud u wadaagaan Juquraafi ahaan, taariikh ahaan, luuqadaha, dhaqanka, hab nololeedka iyo qiyamka bulshada,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay in sidoo kale la balaadhiyay iskaashiga dhaqaalaha, ammaanka, siyaasadda, isdhexgalka bulshada, isu socodka,islamarkaana ay abuurayaan xidhiidh ku dayasho mudan.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna ammaanay xidhiidhka dalkiisu la leeyahay Itoobiya, waxaanu sheegay in uu ku faraxsan yahay dadaalka Itoobiya ku doonayso kor u qaadista xidhiidhkooda  “Waxaanu ku faraxsanahay xidhiidhkan cajiibka ah ee iskaashi ee aanu la leenahay walaalahayaga Itoobiya,” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa Ismaaciil Cumar Geelle.

Ismaaciil Cumar Geelle ayay bookhashadiisa saddexda cisho ah ku astaysnayd khudbada Baarlamaanka, kulanka Ra’isal wasaaraha iyo bookhashada Warshado wax soo saar iyo mashaariic horumarineed oo dawladda Itoobiya Hirgelisay hase ahaatee lama oga waxa xilligan ku soo beegay bookhashadan dhoollatuska u muuqata ee labada dal. Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Soomaaliya uu qabsaday Madaxweyne la rumaysan yahay in aanu fiicnayn xidhiidhkiisa Itoobiya taa bedelkeedana uu dhinaca Kenya u jajaban yahay.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here