Madaxweynaha Cusub Maxa Laga Filanayaa ? By:Barkhad-ladiif M. Cumar

0
1415
Barkhad-ladiif M. Cumar

Marxaladu marba meel bay taagan tahay, mar olole taagnayd, marna kee baa codad badan bay maraysay, marna yaa guulaystay bay maraysay, maanta waxay maraysa maxa laga filan karaa mar hadii uu hadda madaxweyne rasmiya noqday Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku soo beegmay wakhti adag, shacab nolol adag ku jira, sicir bararka iyo duruufaha nololeed ee jira oo ah mid quus ku riday rajaddii shacabkan ka aaminsana dawladnimadda iyo siyaasi kasta oo shacabka ka dalbada inuu wax qaban doono haddii la doorto, taasna waxa ku daliil ah markii diiwaangalinta codbixiyeyaasha la bixinayey sida aanay dadku badankooddu ugu soo wada bixin ama u wada qaadan kaadhka doorashadda,isla markaana inta qaadatayna cago jiid iyo wacyigalin badan oo la sameeyey ayey ku qaateen tiradan yar ee qaadatay, waana tusaalaha ku muujinaya siday dadkani uga niyad jabeen cid dambe oo ay doortaan.

haddaba, dadku wax badan bay ka filanaayaan oo dan caam ah, kama hadlayo shakhsiyaadka kooban ee u taageerayey dan shakhsi aad ka heshid ama dan qoys u taageerayey, haseyeeshee afartanka milyan ee uu xukumi doonna waxay u baahan yihiin qodobadan soo socda inuu ku dhaqaaqo ama qayb ka mid ah fuliyo.

  1. Inuu dhiso wasiiro tiro yar oo tayo badan.
  2. Inuu qoyskiisa iyo dadka deegaankiisa ka soo jeedo ku dhex milmin siyaasada iyo meelaha laga arrimiyo.
  3. Inuu la dagaalamo musuqmasuqa, Cadaalad daradda, sharci jabinta iyo sinaan la’aanta.
  4. In wiilka agoonka ah ama qoyska beelaha tiradda yar ka soo jeeda aanu u baahan xildhibaan, oday iyo wasiir uu dhaq-dhaqaajiyo ee uu ku kalsoonaado aqoontiisa iyo xirfadiisa inuu wax ku heli karo.
  5. In dantiisa gaar ah ka horumariyo danta caamka ah, waayo maanta waa nin oday ah kama werwariyo gaajo iyo hadii uu sii noolaado wuxuu cuni doono, waa inuu dhaxal muuqda oo lagu xasuusto sida madaxweynaha Turkiga iyo Ra’isal wasaarihii hore ee Maleeshiya oo kale noqdaa kuna daydo.
  6. Inuu xilalka uu magacabi doonno uu doorkan ka wada dhigo reer walba ka ugu tiradda yar oo 27 sanno aanan xilal loo magacaabin, oo uu doorkan qadiyo reer walba kuwo isku tiriyo inay laan dheere yihiin ama ka badan yihiin reeraha kale oo mar walba tiro badnaan wasiir ku hella, marka waa inuu laandheere iyo laangabnimadda soo afjaro oo uu ku doorto aqoontiisa, kartiidiisa iyo shaqadaasi ma ka soo bixi karaa.
  7. In aanu dadka u kala saarin kuwii codka siiyey iyo kuwo aan codka siin ee uu aqoonsado inuu kuwii u codeeyey iyo kuwii ka codeeyeyba inuu madaxweyne u wada yahay.
  8. In saami qaybsiga beelaha ku celiyo sidii uu madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u qaybin jiray oo uu wasiiradda ugu calculus uu siin jiray beelaha darafyadda, sida Maxkamadda sare, gudoomiyaha golaha Wakiiladda, wasiirka Arrimaha Dibadda, wasaarada Maaliyadda iyo wasaaradaha calculus ee xukuumadda si ay usoo baxdo sawir fiican oo lagu doodi karo in la wada leeyahay, caalamkana loo tuso iyo shacabka darafyaddaba in wadankan loo wada siman yahay oo la wada leeyahay.
  9. Inuu daganaan, dhagaysi badan iyo dul qaad badan u yeesho caqabadaha ka hor iman kara waayo dadku waxay madaxweynaha cusub ee Muuse Biixi ka aaminsan yihiin inuu yahay kalitalisnimo iyo mucangagnimo, taasna uu dhinac iskaga leexiyo.
  10. Inuu dhiirigaliyo wax soo saarka Beeraha, dhaqaalaynta reer Miyiga iyo xoolaha.
  11. Inuu wadanka ka hirgaliyo warshaddo wax soo saar si wadanku u noqdo mid isku filan oo ugu yaraan cuntadiisa iyo waxyaalaha duruuriga ah soo saaran karo.
  12. Inuu xakameeyo ganacsataddan awoodda badan ee waxay doonaan sameeya ee macaashka badan ka sameeya danyarta iyo dadka jilicdasan ee gargaarka u baahan, inkastoo arrintaasi adag tahay oo doorkan ganacsataddu saamayn ku lahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo xisbiyadda.
  13. Ugu dambeyntii inuu xukuumaddiisa ku yareeyo qurbo joogta iyo qof kasta oo ka soo shaqeeyey hay’adaha caalamiga iyo ururadda bulshadda, kuwaas oo daraasado badan oo la sameeyey la ogaaday inay yihiin dadka ugu musuqmaasuqa badan oo hantidda umadda ee lagu aaminay u isticmaala hanti ay iyagu kaligood shaqaysteen.

Barkhad-ladiif M. Cumar

LEAVE A REPLY