Madaxweyne Biixi oo Sagootiyey Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
1646

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta sagootiyey weftigii uu hoggaaminayay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

Weftiga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa Somaliland u yimi ka qaybgalka munaasibaddii lagu furayay wejiga koowaad ee casriyeynta iyo ballaadhinta marsada caalamiga ah ee dekedda Berbera oo shalay xadhiga laga jaray.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxaa uu madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ugaga mahadnaqay ka soo qaybgalkiisa munaasibadda furitaanka wejiga koowaad ee dekedda Berbera.

Kulanka sogootinta waxaa goob joog ka ahaa xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, wasiirro ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida iyo safiirka dalka Itoobiya u fadhiya caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo shalay khudbad ka jeediyay munaasibadii lagu furayay wejiga koowaad ee dekedda Berbera, ayaa waxaa uu guul weyn ku tilmaamay horumarka Somaliland ay ku talaabsatay.

Waxanu madaxweyne Mustafe Cagjar uu sheegay in horumar kasta oo Somaliland u soo kordha uu yahay horumar u soo kordhay dowladda Itoobiya gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida islamarkaana ay xoojinayso ganacsiga labada shacab ka dhexeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here