Madaxweynaha Biixi Oo Kulan La Qaatay Shir Gudoonka Baarlamaanka iyo Komishankii Hore

0
446

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka ee muddo-xileedkoodu dhammaaday.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay waaxda warfaafinta ee madaxtooyadda Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayay ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii madaxtooyada.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen.

Waxaanay tilmaameen in shaqadii ay soo qabteen ahayd masuuliyaddii loo igmaday iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here