Madaxweynaha Algeria oo eryey madaxii ololihiisa doorashada

0
1054

ALGIERS—Warbaahinta dawladda ayaa ku warantay in madaxweynaha Algeria, Cabdicasiis Bouteflika, uu casilay madaxii ololihiisa doorashada, Cabdimaalik Salaal.

Warkan ayaa soo baxay ka dib mudaharaaddo ballaadhan oo lagaga soo horjeedo musharaxnimada Bouteflika ee doorashada madaxtinimada soo socota.

Wakaaladda wararka Algeria, ayaa waxay intaa ku dartay in madaxa cusub ee ololaha Cabdicasiis Bouteflika loo magacaabay Cabdiqani Saclaan.

Ilaa hadda lama shaacin sababta Salaal looga fadhiisiyey shaqada, laakiin go’aankaas ayaa waxa la gaadhay ka dib markii Jimcihii ay tobannaan kun oo reer Algeria ahi muddaharaado ay ku diidanyihiin in uu mar shanaad xilka qabto Bouteflika ay dalka ka dhaceen.

REUTERS

Tan iyo markii uu ku dhuftay cudurka faaliggu [stroke] sanadkii 2013-kii ayaan inta badan Bouteflika oo 82 jir ah lagu arag fagaarayaasha, waxaanu madaxtinimada dalkaas hayey tan iyo sannadkii 1999.

Todobaad ka hor ayuu u socdaalay dalka Switzerland oo sida xafiiskiisu sheegay uu u tagay “baadhitaanno caafimaad oo caadi ah”.

 

Dhanka kale, mudada musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ay tahay in ay waraaqahooda musharaxnimada ku gudbiyaan ayaa ku eg saqbadhka habeenimada Axadda, waxaanu xeerku dhigayaa in ay iyagu si shakhsiya u xareeyaan araajidooda.

Xisbiga mucaarada ah ee shaqaalaha ayaa sheegay in uu qaadacayo doorashada la qorsheeyey in ay dhacdo bisha soo socota.

Xisbiyada kale ee mucaaradka ah iyo shakhsiyaad madax bannaan ayaa iyaguna ka wada xaajoonaya sidii ay iskugu raaci lahaayeen musharax keliya oo ka dhexeeya.

Wasaaradda caafimaadka ayaa iyaduna sheegtay in qof ku dhintay ku dhawaad 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen mudaharaadadii Jimcihii dhacay.

Booliska iyo dadka mudaharaadayey ayaa rabshado ku dhex mareen meel u dhaw qasriga madaxtooyada ee ku yaal caasimadda dalkaas, waxaanay boolisku u adeegsadeen dadkii mudaharaadayey oo shiidh hadhka kaga dhigay suntan dadka ka ilmaysiisa.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here