Madaxwayne Siilaanyo Oo Magacaabay Badalka Wasiirkii Dhawaan Iska Casilay Xukuuamddiisa Ee Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Somaliland

0
1586
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa is casilaadii ka aqbalay wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isla markaana xilkaasi u magacaabay masuul cusub.

Sidaana waxa lagu cadeeyay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Shabakadda HargeisaPress, waxaanu u dhignaa sidan.

War-saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa waxa uu maanta wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5219/112017 uu Aqbalaad Is-casilaad kaga aqbalay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana waxa uu ku magacaabay Wasiir cusub.

Aqbalaad Is-casilaad

Ujeeddo:  Aqbalaad Is-casilaad

Ku: Mudane, Maxamed Cabdillaahi Obsiiye

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Mudane,

Aniga oo ka duulaya qoraalka aad i soo gaadhsiisay, ee ujeedadiisu tahay ka tagid xilkii aad haysay ee Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaan kaa aqbalay is-casilaadaada aad ii soo gudbisay. Sidaa darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

Magacaabid

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasiirradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: Inuu hannan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cismaan Cabdi Sheekh Muxumed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here