“Madaxwayne Siilaanyo: Hoggaamiye Kor U Qaaday Meeqaamka Ka Qayb-Galka Talada Dalka Dhalinyarada” Qalinkii: Cabdirashiid Caydiid Yaasiin,

0
873

Caqliga wanaagsani waxa uu ina farayaa in hogaamiyaha  looga mahad celiyo waxqahadka wanaagsan ama arimaha soo jiidashada leh ee ku salaysan curinta iyo hal abuurnimada hogaamineed ee waxtarka u leh guud ahaan qaranka iyo bulshadaba  gaar ahaana cida ay khusayso.

 

Waxa jirtay in aanu maqli jirnay mudo badan dhalinyarooy waxaad tihiin madaxdii beri, (cajiib beri maaha mid dhamaataba). Arintaa waxa wax wayn ka bedelay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo tan iyo maalintii uu xilka hogaaminta xukuumada la wareegay u magacaabay dhalinyaro badan masuuliyiinta xukuumada, haday tahay la taliyayaasha Madaxwaynaha, agaasimayaasha guud  ee Wasaaradaha,  gudoomiyayaasha gobolada, hay`addaha madaxa banaan, golaha Wasiirada iyo Maxkamada Sare.

 

Dhalinyaradaas ayaa badankoodu muujiyay xilkasnimo, karti iyo dadaal dheeraad ah, kuwaas oo waxba kama jirtaan ka dhigay maahmaahdii odhan jirtay (ninka dhalinyarada ahi geed inta uu ka boodo ayuu talo ka boodaa) taas oo loo adeegsan jiray dhalinyarada marka ka qayb galka talada dalka laga riixanayo, aniga oo aan soo wada koobi karin dhalinyarada Madaxwaynuhu magacaabay ayaa waxa ka mid ah Wasiir ku xigeenka Was. Waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Yuusuf Cismaan Garas, Wasiirka Warshadaha Mudane Shucayb Maxamed Muuse, Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye, AG. Guud ee Wasaarada Duulista Hawada Cumar C/laahi Aadan,  AG. Guud ee Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Mukhtaar Maxamed Cali , AG. Guud ee Was. Warfaafinta Maxamed Cilmi (Ilkacase), la taliyaha Madaxwaynaha ee arimaha Dhalinyarada Najax Siyaad aw Cabdi, Gudoomiyaha Machadka Tababarka shaqaalaha CSI, Guuleed Saleebaan Hagoog, Maareeyaha Madbacada Qaranka Siciid Shire Ducaale, iyo Agaasimaha Guud ee Hay`adda Wadooyinka Siciid Jaamac iyo qaar kale oo badan.

 

Waxa xusid mudan dhacdooyinkii indhaha soo jiitay ee Madaxwaynuhu dhalinyarada kaga qayb galiyay talada dalka sida magacaabistii Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Aadan Xaaji Cali oo dad badani la yaabeen dhalinyaronimada iyo meeqaamka xilkaasi oo ah Masuulka 4aad ee qaranka, waxaase Illaahay mahadii ah inuu is bedel wayn ku sameeyay nidaamkii garsoorka iyo hanaankii xafiisyadooda, isla markaana uu ku guulaystay xalinta arimo badan mudo aad u kooban , taas oo jawaab  waafiya u noqotay masuuliyadii Madaxwaynuhu u dhiibay isaga iyo kuwa kale oo kula jira garsoorayaasha  Maxkamada sare, waxa kale oo indhaha soo jiitay magacaabistii dhawaan uu magacaabay Madaxwayne Siilaanyo Wasiirkii abid ugu dada yaraa waa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

 

Waxa kale oo Madaxwayne Siilaanyo fursad u siiyay dhalinyarada inay ka qayb galaan golaha deegaanka ee degmooyinka dalka, isaga oo suurto geliyay in wax ka bedel   lagu sameeyo  XEERKA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA IYO G/DEGAANADA (Xeer Lr. 20/2001), oo ay ku xunayd inay golayaasha degaanka isu sharixi karaan dada 35 jir iyo wixii ka wayn, iyada oo laga dhigay 25 jir iyo wixii ka wayn, taas oo fursad u siisay dhalinyaro badan inay ka mid noqdaan golahayaasha deegaanka, isla markaana ku talaabsadaan talaabooyin waxqabad oo wax ku ool ah, waxa xusid Mudan Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Muxumed Caydiid iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagawayne), Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, Maayarka degmada Oodawayne C/xakiin Nuur Muuse iyo Maayarka Gebilay Maxamed Amiin oo dhamaantood muujiyay xilkasnimo, karti iyo dedaal dheeraad ah oo ka muuqda magaalooyinka ay maamulaan.

 

Waxa iyaduna aan la ilaabi karin kaalinta uu Madaxwaynuhu ka siiyay haweenka Somaliland xukuumadiisa oo ah abid tii ugu badnayd uguna meeqaamka waynayd, iyada oo uu Madaxwaynuhu u dhiibay Wasaarada ugu baaxada wayn ee dalka qaarkood sida Wasaarada Maaliyada, Haweenka xukuumada ku jira ayaa iyaguna soo hooyay guulo waawayn oo taariikhi ah oo maamul iyo hogaamineed sida Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Baandare.

 

Hadaba iyada oo aan la soo koobi karin tirada dhalinyarada ee uu Madaxwaynuhu magacaabay oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee tan iyo dawladii ugu horaysay ee Somaliland, ayaa waxa dheer inta aan sare ku soo xusay dhalinyaro badan oo xilal culus haya oo lagu magacaabay degreeto Wasiir oo isugu jira :- Xoghayayaasha dawladaha hoose, xoghayayaasha gobolada, Agaasime Waaxeedyo Wasaarada iyo hay`addaha madaxa banaan, Maamulayaal Kastam ,maamulayaal Madaar iyo qaar xubno ka ah gudiyada (commissions) kala duwan ee qaranka . Waxa kale oo iyaguna jira dhalinyaro badan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada kala duwan.

 

Meeqaamka sare ee ka qayb galka talada dalka ee Madaxwaynuhu ka qayb galiyay dhalinyarada  ayaa waxay ka mid tahay arimaha aan la soo koobi karin ee Madaxwayne Siilaanyo taariikhda u galaya/galay tan iyo mudadii uu hagayay dawlada Somaliland, waxaynu odhanaynaa waa baal dahab ah oo uu u furay dhalinyarada oo ay tahay inay kaga daydaan hogaamiyayaasha xigi doona (goorteeda), waxa kale oo ay tahay fursad aan laga noqon doonin oo u baahan inay dhalinyaradu ka faa`iideeyaan, iyo arin ay tahay in looga mahad celiyo Madaxwaynaha goor kasta iyo goob kasta , waxaanu leenahay (Ilayskaa kii shidoow, Abaal baanu kuu haynaa).

 

 

Qalinkii: Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, Email:  wagar2010@gmail.com

Tel: 00 252 63 442 2323,        00 252 65 915 2323

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here