Madaxwaynaha Somaliland Oo maanta Dalka Ka Dhoofaya Iyo Ujeedada Socdaalkiisa!

0
909
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biix Cabdi

HARGEISA(HargeisaPress) —Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biix Cabdi oo ay weheliyaan xubno kamida Xukuumadiisa Ayaa lafilayaa in uu maanta U Anbaboxo socdaal uu ku tagayo dalka Boqortooyada  sucuudi Arabiya.

Ujeedada socdaalka madaxwaynaha Somaliland ayaa ah sidii Uu Usoo gudan lahaa Acmaasha Xajka , Madaxwaynaha Somaliland Mud, Muuse Bixii Cabdi ayaa waxaa tagitaana xajka ku weheliya xubno katirsan xukuumadiisa iyo qoyskiisa Madaxwaynaha Somaliland ayaa kamid noqon doona maalaayiin muslim ah oo sanad ka gudashada xajka utagaya xaramka barakaysan.

Madaxwayne Biixi iyo xubnaha weheliya ayaa gagada diyaaradaha ee cigaal International ka raaci doona diyaarad khaas oo uu ka helay boqortooyada sucuudiga oo sanad walba madaxda wadamo badan oo islaam ah dirta ogolaasha xajka.

Boqorka dalka sucuudiga ayaa isagu marka uu soo dhamaado gudashada waajibaadka xajku casuumad ufidiyay dhamaan madaxda wadamada islaamka ee kasoo qaygalay Xajka.

Madaxweyne ku-xigeenka jamuuriyada Somalialnd Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici ayaa sanadkii hore ka mid ahaa xujaydii gudanaysay waajibaadka Xajka ayaa waxa uu la kulmay boqorka dalka Sacuudi arrabiya.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here