Madaxii Qaraxyada Al-shabaab oo La Dilay

0
765

Muqdisho (Hargeisa Press) – Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee loo yaqaano Danab ayaa sheegay inay dileen Madaxii Qaraxyada ee Al-shabaab.

Hawl-gal ay Ciidammadu ka sameeyeen Degmada Walla-weyn ee Gobolka Sabeelaha Hoose ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay Ciidamadu sheegeen inay hawl-galkaa ku dileen Madaxii Qaraxyada ee Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeelaha hoose.

Ninka la dilay ayaa Idaacadda Dowladda Soomaaliya Magaciisa ku sheegtay Maxmed Cismaan Xuseen (Buluush.).

Ninkan oo la sheegay in Ciidammadu doonayeen inay nolosha ku qabtaan ayaa kula dagalaamay Qoriga AK 47 oo haystay, laakiin Ciidammada ayaa markii dambe toogasho ku dilay, sida Idaacaddu Baahisay.

Ninka la dilay ayaa beddelay Maxamed Siidoow oo 28 December 2019 lagu dilay Duqayn ka dhacday Tuulada Cali Barow, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Guutada 16aad ee kamaandowsta Xoogga Dalka Soomaaliya, Ismaaciil Cabdimaalik.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY