Madax Dhaqameedka Wajaale Oo Cabasho Ka Muujiyay Masuuliyiin Maamulka Magaaladda Loo Soo Magacaabay

0
882

Tog-Wajaale (Hargeisa Press.com): Madax dhaqameedka iyo waxgaradka magaaladda Tog-Wajaale ee dhinaca Itoobiya ayaa ka biyo-diiday masuuliyiin uu madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya u soo magacaabay maamulka magaaladaasi.

Odayaasha iyo waxgaradkan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Tog-Wajaale waxay sheegeen in masuuliyiinta loo soo magacaabay maamulka Wajaale ay dhamaantoodba isku beel ka soo wada jeedaan.

Iyagoo ku dooday in aanay gebi ahaanba xubnahaasi ku jirin hal qof oo degaan ahaan ka soo jeedda magaaladda Jawaale, sidaas darteed na arrintaasi ay tahay mid aanay aqbalaynin.

Waxaanay madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ugu baaqeen in uu hoos u eego arrintaasi, isla markaana uu wax ka bedelo dadka degaankana la tashado.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY