Madax-dhaqameedka Muqdisho oo Somaliland Ugu Baaqay Inay Si Deg Deg Ah U Sii Dayso Mulkiilaha Astaan

0
1756

Muqdisho (Hargeisa Press)- Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Muqdisho ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay in si deg deg ah u sii dayso Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha guud ee Astaan Cable.

Waxgaradkan ayaa sheegay in Cabdimanaan uu yahay ganacsade ,xaqna uu u leeyahay in howlihiisa ku baahiyo meel kasta.

Waxa ay sheegeen in ay heleen war ku saabsan in qaab salka ku haya qabiil lagu xidhay agaasimaha Astaan Cable isla markaana ay soo abaabuleen, ganacsato reer Somaliland ah.

Waxgaradkan ayaa sidoo kale sheegay in aanu jirin dembi ay ku tuhmaayaan oo uu galay Cabdimanaan Yuusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here