Madasha Xisbiyada Soomaaliya oo War Ka Soo Saaray Arinta Ra’iisal Wasaaraha, Kaligii Taliyena Ku Tilmaamay Farmaajo

0
1278

Muqdisho (Hargeisa Press) – Madasha Xisbiyada Qaran Soomaaliya ayaa shir ay isugu yimaadeen ku soo saaray war-murtiyeed la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxeyna si weyn dhaliil ugu soo jeediyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Madasha Xisbiyada Qaran Soomaaliya waxey madaxweyne Farmaajo ku eedeyeen ku tumasho Dastuur KMG ah ee JFS, cuuryaaminta shaqooyinka Baarlamaanka, sidoo kalana uu meesha ka saaray xukuumadii shaqeyneysay.

Qoraalka Madasha oo waxyaabo badan lagu soo hadal qaaday, waxaa sidoo kale Farmaajo ay ku eedeeyeen inuu sameeyay Jaha-wareer siyaasadeed iyo khilaafaad dabo dheeraaday.

Waxaa intaas sii dheer in kaligii talisnimo ay u arkaan inaan muddo 50 Maalmood ka badan la magacaabin ra’isal wasaare cusub, sidoo kalana ayna dastuurka meelna kaga qorneyn magacaabista kusime ra’iisal wasaare.

Madasha xisbiyada ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamtay magacaabista sii hayaha ra’iisal wasaaraha iyo sharciyada ay ansixiso xukuumadda Farmaajo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sidoo kale soo jeedisay saddex qodob oo ay doonayaan in la fuliyo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY