Madaafiic Lagu Weerarray Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho

0
654

Muqdisho (Hargeisa Press)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic dhowar ah loo adeegsaday qoriga Hoobiyaha oo lagu tuuray  Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah taliska ugu weyn howlgalka midowga Africa AMISOM.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaafiicdan qaar ka mid ah gudaha ugu dhaceen Xarunta Xalane , hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ma aha markii ugu horeysay ee madaafiic hoobiyaal ah lagu weeraro xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’addaha Amaanka Dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM midna oo la xidhiidha madafiicdan maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo ay degan yihiin inta badan saafaraddaha iyo Hay’addaha shisheeye  ku sugan dalka Soomaaliya.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here