Machadka Waxbarashadda Dawladda Ee CSI Oo 545 Qof Tartan Imtixaan Ku Kala Saaray & 228 Arday Oo Guulaystay + Guddoomiye Guddoomiye Sharmarke Geelle Oo Talooyin U Jeediyey Ardaydaasi

0
1586
Guddoomiyaha Hay'adda Shaqalaha Dawladda

Hargeysa, (HargeisaPress) —Machadka Jaamacadda Tababaradda Shaqaalaha Dawladda ee CSI ee Somaliland , ayaa Imtixaan Tartan ah ku kala saaray 545 qof oo u tartamay inay waxbarasho ka dhigtaan Jaamacadda CSI, waxaana ku guulaysto 228 Arday oo waxbarasho ka bilaabi doono CSI, waxaana halkaasi talooyin iyo waano muhiima uga jeediyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Saraakiisha Machadka Waxbarashadda Dawladda ee CSI.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle Iyo Agaasimaha iyo madaxda Machadka Jaamacadda Tababaradda Shaqaalaha Dawladda  CSI ee Somaliland, ayaa xalay kulan ay Hargeysa kula yeesheen 228 Arday ee ka soo dhex baxay Imtixaanka Machadka Waxbarashadda  Shaqaalaha Dawladda uu 545 qof ka qaaday ku guulaystay inay waxbarasho ka bilaabaabi doonaan Jaamacadda CSI, waxa halkaasi uu Guddoomiye Sharmarke Geelle talooyin iyo waano dhaxal gal ah oo himiladda iyo hanka waxbarasho ee ardaydaasi uu ku dhiirigelinaayey inay ka midho dhaliyaan si ay kaalmo muhiima oo mustaqbalka ah qarankooda Somaliland uga qaataan.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle  waxa uu isaga oo 228-ka Arday ee Imitixaanka ku guulaystay la hadlaayey uu hadalkiisa ku bilaabay “Dalka dhan walba waxaan gaadhsiinay in tartan bilaa turxaan ah loo gali Caddaaladuna Noqoto Halbeega keliya ee guusha, 1- Waxaanu Xalay kulan wacyi-gelin iyo waayo-waran ah siinay 228 guulayste oo ka soo dhex baxay   545 tartame oo guclo orod u galay in ay kamid noqdaan ardayda wax ka baranaysa Jaamacada Shaqaalaha Dawladda CSI,Tartankan oo ahaa mid qalinku ka adeegay intii tafa-xaydnayd ayuu mid walba weelkiisa caqliga kala baxay wuxuu horay ugu soo shubtay ee cilmi ah xili Caddaaladu ahayd halbeega  keliya ee guusha” .

Guddoomye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu intaasi ku daray “2-Waxaan guulaystayaasha kala hadalnay yeelashada hammi iyo hiraal sare iyo in cilmiga ay halkan ka bartaan ku anfacaan qarankooda korna ugu qaadaan qofnimadooda, ta 3aad Waxaan mahadcelinayaa maamulka iyo macaliiminta CSI ee sida naf-hurnimada leh ee qaranka ugu adeega, waxaana si walba oo qaranku mashquul ugu jiro hay’adda shaqaalaha dawladda iyo mac-hadka shaqaalaha dawladu uu isha ku hayaan  tayeynta shaqaalaha iyo daba-galka in shaqaalaha dawladu noqdo xirfadle xalaal-quute ah shacabkana siiya adeeg hufan”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY