MACALIM CALI CASEYR OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARGEYSA

0
621

Hargeysa (HargeisaPress) – Allah Ha U Naxariisto Macalim CALI CASEYR Oo Ahaa Macalim Ama Bare Kaalin Weyn Oo Aan La Hilmaami Karin Ku Lahaa Horumarinta Wax Barashada Dalka, Kuna Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Allah Ha U Naxariistee CALI CASEYR Waxa Uu Ahaa Macalim 40kii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Mihnadda Macalimnimo Kaga soo Shaqeeyay Tiro Badan Oo Ka Mid Ah Dugsiyada Wax Barasho Ee Dalka Gaar Ahaan Dugsiyada Hoose Dhexe Ee Magaalooyinka Burco Iyo Hargaysa..

Waxaa Si Weyn CALI CASEYR Loogu Xasuustaa Doorkii Uu Ku Lahaa Dedaalkii Iyo Abaabulkii Lagu Soo Yab-Yabay Waxbarashada Dalka, Horaantii Sagaamaadkii Waqtigii Somaliland Goonni Isu Taagtay,Isagoo Maamule Kasoo Noqday Dugsiyo Tira Badan Oo Ay Ka Mid Yihiin Axmed/Guray,Guryo-Samo,Sheikh Madar Iyo Kuwo Kale Oo Uu Ku Jiro Dugsiga MAXAMED MOOGE Oo Uu Maamule Xigeen Ka Ahaa Ka Hor Intii Aanu Geeriyoon…

Halka Magaalada Burco Dugsiyada Waxbarasho Ee Uu Macalimka Kasoo Noqday CALI CASEYR Ee Aan Kolayba Anigu Xusi Karo Uu Ka Mid Ahaa Dugsigii Loo Yaqiinay 21ka November Amba QASABKA, Oo Uu Bare Ka Ahaa Sanadihii 80naadkii.Halkaasi Oo Aan Kaga Jiray Waxbarashada Hoose Xilligaasi.
Halka Macalimiintii Kale Ee Ay Barayaasha Ka Wada ahaayeen Dugsigaasi Aan sidoo Kale Ka Xasuusto Cimriga Allah Ha U Dheereeyee SHEIKH MAXAMAMED ISMAACIIL Oo Haatan Ka Mid Ah Culimada Waaweyn Ee Dalka,Iyo Maamulihii Isla Waqtigaasi Oo isaguna Ahaa Allah Ha U Naxariistee AXMED XAAJI XASAN GEELLE.

Waxaan Filayaa Taariikhdu Marnaba Ma Hil Maami Doonto Macalim CALI CASEYR Iyo Macalimiinta Kale Ee Dhigiisa Ahaa Ee Soo Saaray Midhaha Badan, Waxaanay Ku Xardhanaan Doonaan Qalbiyada Ardaydii Ay Wax Soo Bareen Oo Iyagoo Heer Kastaba Leh Ku Kala Filiqsan Gudaha Waddanka iyo Daafaha Caalamkaba .…

ALLAH HA U NAXARIISTO EHELKII, QOYSKII, BAHDA WAX-BARASHADA IYO QARANKANA SAMIR IYO IIMAAN HA KA SIIYO ….AAMIIN

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

 

LEAVE A REPLY