Maayirka Hargeysa oo Ku Dhawaaqay War-farxadleh

0
1706

Hargeisa (Hargeisa Press)- Maayirka caasimada Hargeysa, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa sheegay in dawlad Hoose ahaan ay soo iibin doonaan Mashiin labaad oo lagu baadho dadka uu soi rito xanuunka Coronavirus.

Maayir Soltelco ayaa sheegay in soo iibinta mishiinkaasi ay kala kaashanayaan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland iyo hay’adda WHO.

Waxaa uu sheegay in baahi weyn loo qabo soo iibinta mushiinkan labaad, isaga oo ku sifeeyay in boqolkiiba afartan ay bulshaweynta reer Somaliland ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

Duqa caasimada Hargeysa mudane Cabiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaanu go’aansanay Dawladda Hoose Hargeysa ahaan, anaga oo kaashanayna wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo WHO, in aanu soo iibino mashiin labaad kaas oo lagu sameyndoono baadhitaanka xannuunka safmareenka ee Covid-19, maada bulshaweynta reer Somaliland ay caasimada ku nool yihiin 40%”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here