Maayirka Hargeysa oo Dalka Poland Kaga Qaybgalay Shir Caalami Ah

0
951

Katowice (Hargeisa Press) – Magaaladda Katowice ee dalka Poland, ayaa waxaa ka socda shirweyne caalami ah oo ay soo qabanqaabisay hay’adda UN-Habitat, iyadoo ayna ka soo qaybgeeleen masuuliyin badan oo kala socda wadamada caalamka.

Shirweynahan, ayaa waxaa dhanka dowladda Somaliland uga qayb galay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, isaga oo sheegay in shirkani uu aad mihiim ugu ahaa ka Somaliland ahaan, islamarkaana ay Somaliland xidhiidh la yeelan doonto madaxda shirkaasi toogtay.

Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sidoo kale sheegay in shirkan waxyaabaha lagaga hadlayo ay ka soo raaci doonaan xog farabadan iyo aqoon oo uu uga faa’ideeyo caasimada Hargeysa.

Waxaana shirku inta uu socdo lagaga wadahadlayaa arrimaha udub dhexaadka u ah horumarinta dawladaha hoose iyo maamulada maxaliga ah.

Ajendayaasha ugu mudan waxa ka mid ah magaalowga iyo caqabadaha ku lammaan, hirgalinta yoolasha horumarka waara, maamul-deegaan loo dhan yahay oo awood u leh adeegbixinta iyo xoojinta adkaysiga magaalooyinka ee dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo dadku sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here