Maayirka Gabiley oo Qaabiley Wefdigii Ka Socday Mareykanka

0
1105

Gabiley (Hargeisa Press) – Maayirka degmadda Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdigii ka socday dalka Mareykanka oo maalmihii ugu dambeeyay booqashada ku joogay dalka.

Wefdiga ka socda dalka Mareykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation, ayaa safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku marayay qaar ka mid ah gobolada dalka Somaliland.

Kulankaasi waxaa maayirka Gabiley Maxamed-Aamin Cumar Cabdi, ku wehelinayay badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahaa badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley, qaar ka mida xildhibaanadda golaha degaanka iyo xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Gabiley.

Intii kulankaasi uu socday, ayaa maamulka gobolka iyo ka degmadu waxay uga warbixiyewn xaaladaha magaaladda iyo gobolkaba, gaar ahaana xaaladda Abaareed ee guud ahaanba degaqmadda Gabiley hooa yimaadda ka taagan.

Sidoo kalena waxay masuuliyiintu wefdigan Mareykanka ah uga mahad celiyeen booqashadooda ay ugu yimaadeen.

LEAVE A REPLY