“Maayarku Mashaariic Aan Miisaaniyadda Kujirin ayuu Sifo Aan Shuruucda Waafaqsaneyn Ugu Soo Darey Misaanayadihii hore Si uu Lacag Ugu Lunsado”Xil Aamin

0
548

Hargeysa,(HargeisaPress) -Xildhibaan Maxamed Aamin Cali oo Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, ayaa Eedo Culus ujeediyay Maayarka Degmada Gabiley, Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo uu Ku Eedeeyay, in uu Isdaba Mariyay Mashaariic aan Kujirin Miisaaniyadihii Golaha Deegaanku Ansixiyay ee 2019kii iyo 2020kii, Kuwaas oo hada Sifo aan Shuruucda Waafaqsanayn Loogu Soo darey Mashaariicda Golaha Si Loogu Lunsado Hantida Dadweynaha Sida uu Hadalkiisa u dhigay.

Xildhibaan Maxamed Aamiin Cali oo Shir-jaraaid Ku Qabtey Magaalada Hargeysa, Waxa uu Xusey in Arimaha uu ka hadlayo ee Musuqmaasuqa ahi Fashilmeen Kadib Markii Golaha Deegaanka Drgmada Gabiley ay Arbacadii Toddobaadkii hore Ku Kulmeen Kalfadhi lagaga arinsanayay Mashaariicda Golaha iyo Kuwa Qorshaha kujira labadaba uu Maayarku u Qeybiyay Xildhibaanada Ajende Cusub oo aan aheyn Kii Sharciga Waafaqsanaa ee Miisaaniyadaha Kujirey,oo Wax badan la is dhaadhaafiyay.

Waxa kale oo uu Xildhibaanku Xusey, in Maayarku Go,aansadey in uu U Dhaqmo hadba Sida ay la Noqoto ee uu Subaxdii Kusoo tooso isagoo gabi ahaanba Meesha ka Saarey Xurmadii ay Ku Lahaayeen Golaha Deegaanku, Bulshada Gabiley, iyo Gabi ahaanba Birimagaydadii Shacabka, Waxaanu Xildhibaanku Hoosta ka Xariiqey in Dadwaynaha iyo Shacabka Gabiley iyo Xildhibaanadii Doorteyba uu Boqolkiiba Boqol ka Tixgaliyo, Caa,ilada Madaxweynaha ah Waxaanu is dultaagay in Dhismaha Maktabada lagu Darey Waxqabadka Golaha haddana Mashruuc lagu Siiyay Shakhsiyaad Gaar ah, oo hadana Lagu Gurayo, Qaadhaan Shirkadaha Waaweyn laga Gurayo, Waxa kale oo uu Carabka Ku dhuftey in Jidka Afarta Haad ah ee Gudaha Magaaladu uu Yahey kan uu Musuqa ugu Weyni Kujiro, ee lagu Lunsanayo lacag dhan Afar Bilyan, oo Somaliland Shilin ah Waana inta ugu Yar taasi.

Ugu Dambeyntii Waxa uu Xildhibaanku Sheegay in Umadii Dhamayd ee Reer Gabiley lagu balamiyay, Laba Askari oo Maayarku u Sameystay Sharaf Dilka Bulshada, kuwaas oo aan Cidna u Ogolaanin in Loo tago in Shaqadiisa laga Guto, isagoo Tusaale usoo Qaatey in Maayarada Dalka oo Dhami Shacabka la Kulmaan oo aan Cidna laga Celinin.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKA

LEAVE A REPLY